|

Ruusha Oo Hub Aan Horey Loo Arag U Isticmaalay Magaalo Isis Laga Saari Kari Wayay Oo Mar Qudha Dhulka Uu La Simay DAAWO

Hargaysa, 16, March,2016(SDN/QJ):- Wasaraadda gaashaandhigga Russia ayaa Salaasadii shalay sheegtay in tiradii ugu horreysay oo diyaaradaheeda dagaalka ah ay ka baxeen dalka Syria,inkasta oo Warar hada soo baxayaa ay sheegayaan inay weli socoto duqaymihii diyaaradaha ruushku ku hayaan kooxaha argagixisada ah ee ku sugan Suuriya.
Tallaabadan ayaa timid maalin kadib markii madaxweyne Vladimir Putin uu ku dhowaaqay in inta badan ciidamadiisa uu kala baxayo dalka Syria, kadib shan bilood iyo badh oo ay halkaas howlgallo ka wadeen.
Diyaaradaha ayaa ka tagay saldhigga ciidamada Hmeymin ee gobolka galbeedka Syria ku yaalla ee Latakia, iyaga oo dib ugu laabtay Russia.
Putin ayaa isniintii sheegay in sababta uu inta badan ciidamadiisa ugala baxayo Syria ay tahay in inta badan ay ku guuleysteen hadafkii ay u tageen dalkaas.

Madaxweynaha golaha ammaanka ee QM ee iminka, oo ah safiirka Angola Ismael Gaspar Martins ayaa sheegay in tallaabada Ruushka oo lagu daray wadahadallada nabadda ee Geneva ka billowday Isniintii ay ka dhigan tahay in natiijo wanaagsan la filan karo.
Sidoo kale Dawlada Maraykanka ayaa soo dhawaysay Go’aanka ruushku diyaaradihiisa dagaalka uu kagala baxayo dalka Suuriya.

Comments are closed