|

Xildhibaan Ibraahim Buubaa Muxuu ka yidhi Wararka sheegaya in laga casilay Afhayeen Xisbiga Waddani? DAAWO

Hargaysa 13.March 2016 (SDN/QJ):- Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ee Waddani Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa beeniyay Warar sheegaya in la qaaday Afhayeenkii Xisbigaas.

Xildhibaan buubaaXildhibaan Buubaa waxaa uu sheegay inaanay waxba ka jirin wararkaasi waxaanu yidhi“Madaxda xisbiga, maaha kaligay mar iyaga dacaayad laga qoro oo la iska horkeeno dabadeedna la yidhaahdo hebel iyo hebelbaa is haysta oo khilaafkoodii dibada usoo baxay iyo kol la yidhaahdo hebelbaa xisbigii ka tagaya way iska badnayd, hadalhayntaasina waxaanu u aragnaa Garaafka uu xisbigu ku socdo eek or usii kacaya.”

Xildhibaan oo hadalkiisa sii wataa waxaa uu ka Hadlay Kormeerka Diwaangalinta Codbixiyayaasha“Annaku waxaanu u aragnaa dhexmarida aanu ku marayno goobaha ay diwaangalintu ka socoto, inay shacabka dhiirigalinayso oo ay kaadhka qaataan”ayuu yidhi Xildhibaan Buubaa oo maanta u waramayay Telefishanka Star

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wataa waxaa kale oo uu ka hadlay wadahadal u furmay Xisbiga Waddani iyo Garabkii Kulmiye ka cadhooday“Wadahadalkii waa bilaabmay gunaanadkiisiina wali lama gaadhin, gabagabada marka uu gaadhana si Caama ayaanu ugu soo bandhigaynaa Umada wixii la isku afgarto, laakiin waxaanu u sheegaynaa umada inay wadahadaladii bilaabmeen oo ay si fiican u socdaan”

Comments are closed