|

“Suurtogal Maaha in Diiwaangelin Xaq ah laga hirgeliyo gobolka Hawd haddii arintu sida ku socoto oo uu ku jiro Xayiraad” Guddoomiyaha Afgarad dr. Maxamed Warsame DAAWO

Hargaysa 13.March 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Guddida Beelaha ARAB ee AFGARAD Dr. Maxamed Warsame Ducaale, ayaa sheegay inaanay suurogal ahayn in diwaangelinta codbixiyayaasha si xaq ah looga hirgeliyo Gobolka Hawd, isaga oo ku sababeeyey inay dadkii ay abaarihii hayaamiyeen, isla markaana baabuurtii soo daad-gureyn lahayd loo diiday dadkaasi.

maxamed-warsame-ducaaleCiidamada Dawlada Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee ku sugan xuduudka Somaliland iyo Dawlada Ethiopia ay wadagaan ayaa diiday inay baabuurtu soo daad-gureeyaan dadka ku sugan deegamadaasi.

Sidaa waxa uu Dr. Maxamed Warsame ku sheegay Warsaxafadeed uu ku saxeexan-yahay oo  nuqul ka mid ah soo gaadhsiiyay Xafiiska Shabakada Wararka ee Qurbejoog ee Magaalada Hargeysa, waxaanu yidhi

“Qorshaha diiwaangelinta codbixiyayasha gobolka Hawd wuxuu ahaa in la bilaabo Shalay oo taariikhdu ahayd 12 March, 2016. Waxaa kale oo aan wada ogsoonahay in dalka abaaro adagi ka jiraan. Sidaa darteed dadkii u dashay gobolku waxay ku keliftay in ay u guuraan  Dalka Ethiopia iyagoo boqolaal kilomitir gudaha u galay Wadanka aan jaarka nahay ee Itoobiya.

Tallo galku wuxuu ahaa in Baabuur loo diro inta diiwaangelintu socoto oo dadka la keeno goobaha diiwaangelinta sidii loo sameeyay Goboladda Togdheer iyo Awdal,Hadaba waxaa dhab ah in baabuurtii soo daad gurayn lahayd loo diiday in ay talaabaan aanay is hortaageen ciidamadda kililka shanaad ee degen xuduudka.

Waa arin nagu noqotay fajacid iyo amakaak. Waxaa kale oo mudan in la xuso in Dawladda Somaliland, Badhsaabka gobolka iyo komishanka qaranku ay si cad noogu sheegeen dhawr jeer oo hore in labada dawladood (Somaliland Iyo Itoobiya) ka heshiiyeen in dadka u hayaamay gudaha dalka Ethiopia si xor ah loo keeni karo goobaha diiwaangelinta; baabuurta soo guraysaana aanay la kulmayn wax dhibaato ah iyo xayiraad. Arinta waa laga dhabeeyay Goboladda Awdal iyo Togdheer; dadka waxaa laga soo gurayay meel fog oo mararka qaarkooda 300 km gudaha dalka aan jaarka nahay ah.

Adduunyada nin noolow maxaa aragti kuu laaban. Sidaa awgeed, maadaama dadka intiisi badnayd ( 70%) aanay ka qayb geli karin Diiwaangelinta; ma loo baahanyahay in qalabka iyo shaqaalaha la geeyo goobo madhan oo dadki ka hayaamay; suurtogalna aanay ahayn in la soo guro. Jawaabtu waa maya.  Xal ayaa laga sugayaa komishanka qaranka  iyo dawladda somaliland. Waa waajib in qof kasta oo u dhashay Somaliland loo fududeeyo waxa uu xaq u leeyahay.

Sida ay  u muuqato suurtogal maha in Diiwaangelin xaq ah laga hirgeliyo gobolka Hawd haddii arintu sida ku socoto oo uu ku jiro xayiraad. We strongly and resolutely demand a fair play and that trust is the foundation of leadership. It is a decision time and the very survival  of the democracy of Somaliland is at stake.”

Comments are closed