Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maamul Goboleedka Somaliyeed ee Puntland Iyo Hujuumkiisa Goboladda Bari
Garowe 12.March 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka Puntland Axmed Karaash, ayaa ku hanjabay inay talaabo ka qaadayaan cidkasta oo ku soo xadgudubta deegaanadda hoos yimaada maamulka Puntland. Isla markaana wuxuu sheegay in aan loo dulqaadan doonin dadka colaadaha wadda.
Axmed Karaash wuxuu sidaa ka sheegay mar uu ka warbixiyay socdaal uu ku tagay gobolada Sool iyo Sanaag,“Waxa la yidhi adhiyoow haddii bahal kugu jiro waa laga saari, haddii balaayo kale kugu jirtanna waa la arki doonnaa. Anagu haddii aanu nahay masuuliyiinta Puntland, dadka beelahan Puntland waa laga macal qabanaya wixii cabasho ah ee ay tabanayaan, wixii maslaxad ahna waa laga ajiibayaa waanna laga waddahadali doonna.”ayuu yidhi Axmed Karaash
Sidoo kale, Axmed Karaash wuxuu sheegay in aan loo dulqaadan doonin dadka colaadaha halka ka wadda “Laakiin waxaanan u dulqaadan doonin faro-galin kale, mid baa hargeysa ka soo hadlay oo yidhi waxaanu duqayn doonna Garoowe, Saydkiibaa gabyayo wuxuu yidhi “Alle muxuu beensheegay ka halkaa ka soo dhaaranayaa. Runtii meelaha aan anigu ka soo jeedo oo aan xariiqinna ku soo gaadhin oo ay iska joogjoogan waa suurta gal inuu intaa ku darsaddo, laakiin waxaan idiin leeyay ma noqon doonto sidaas.”