Axmed Yuusuf Yaasiin oo ku taliyey in Wada hadallada Soomaaliya lagu Casuumo Jabuuti & Ismaamullada Soomaalida ee Kenya iyo Itoobiya
Hargeysa, 12 March, 2016-(SDN/QJ) – Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay Wada hadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya ee la filayo inay dib u bilaabmaan, waxaanu ku taliyey in Wada hadallada lagu casuumo Guud ahaan Shantii Soomaaliyeed ee hore u jiray.
Axmed Yuusuf Yaasiin, oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa yidhi, “Wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya inkasta oo ay aad u caga-jiidmeen haddana hore way u bilaabmeen, Madaxweynahana waxaan ugu Hambalyeynayaa inuu sameeyay Guddi arrinkaa ka shaqeysa inkasta oo ay badan yihiin, Aniguna aan ku taliyey inay noqdaan 7 Xubnood oo uu ku jiro Wasiirka Arrimaha dibaddu mar walbana is heli kara.
Turkigu waa inuu noqdaan Gogol-fidiye, ilama habboona inuu Arrinkaa dhex galo, Waayo? Waxaan hore u idhi Turkiga qudhiisu wuxuu garaacayaa Kurdiyiinta, waxaanan soo jeedinayaa in Wada hadallada dambe lagu casuumaa Shantii Soomaaliyeed ee hore, waa inay timaaddaa Jabuuti, waa inay timaaddaa Itoobiya, waa inay timaaddaa Kenya, Soomaaliya iyo Somaliland, shantaasi waa inay yimaaddaan, dhexdhexaadna waa inay ka noqdaan Wada hadallada oo ay Gogosha fadhiyaan Ingiriiska iyo Talyaanigu oo Cajaladda dib loogu celiyaa ka hor 1960-kii.”
Md. Yaasiin waxa kale oo uu ka hadlay Diwaangelinta ka bilaabmaysa Gobolka Saaxil, “Diwaangelinta socotaa way ka wanaagsan tahay tii hore ee la musuqay, waana Diwaangelin aan lagu celcelin kareynin, markaa waxaan leeyahay Reer Saaxil guntiga Dhiisha ha iskaga dhigaan oo haka qayb-galaan Diwaangelintaa socota.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu ka hadlay kala xadeynta deegaammada, “Arrinta kala xadeynta (Gobollada iyo Degmooyinka) waa muhiim, laakiin weli lama samaynba, waana arrin dhex yaalla Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada, Xeerkaa lama samaynin Maamullada Cigaal, Rayaale, kan Axmed Siilaanyo-na lama samayn, sababta loo samayn waayayna waxa weeyaan Dadka ayaa fahamsan Qalad. Waar kala xadeynta xuduudaha u dhexeeya Gobollada iyo Degmooyinka?. Waxa laga shidaal-qaadanayaa Lixdii Degmo ee gumeysigu ka tagay oo dib baa loogu noqonayaa, Dadka waxaan u sheegayaa xuduudka la idiin sheegayaa Maaha mid Qabiil ee waa mid Cashuureed, waxa la kala xadeynayaa Cashuuraha degmooyinku kala leeyihiin , Maaha Qabiil baa meel laga qaaday oo Qabiil kale ayaa la siiyey.”