|

Xukuumadda Somaliland Oo Sheegtay Inay Sii Wadayso Wada-hadallada Soomaaliya

Hargeysa (SDN) – Wasiirka arimaha dibada somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa shaaca ka qaaday inay xukuumada somaliland diyaar u tahay inay sii wado wada hadalkii ay kula jirtay dawlada fadaraalka ah ee somaliya.

Wasiirka arimaha dibada somaliland oo maanta warbixin siinayey guddida joogtada ah ee golaha guurtida somaliland ayaa waxa uu sheegay inay xukuumadu diyaar u tahay sii wadida wada-hadalka u dhaxeeyey dawlada somaliya isla markaana kor loo qaado tayada wada hadalkaas, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaanu doonaynaa inaynu halkii ka soo wadno oo aynu tayeyno kana midha dhalino wada hadalkii aynu la lahayn somaliya, nasiib daro wada hadalkaasi waxa uu bilaabmay sanadkii 2012-kii ilaa sagaal jeer ayaana laysku yimid waxyaabo ayaana laga heshiiyey laakiin waxyaabihii laga heshiiyey lama dhaqan galin wax badan oo laga filayeyna kamay soo bixin wada hadalka, markaa waxaanu jecel nahay in laga midha dhaliyo oo aynu dar dar galino.”ayuu yidhi wasiir Sacad Cali Shire.

Sidoo kale wasiirka arimaha dibada somaliland waxa uu sheegay inay dedaal dheer ugu jiraan sidii ay wadamada afrika gaar ahaan kuwa geeska uga dhaadhicin lahaayeen qadiyada somaliland waxaanu yidhi “Waxaanu isku dayeynaa inaanu qadiyadeena ka dhaadhicino wadamada Afrika Inaga oo aynu  bar tilmaameed ka dhigano wadamada Afrikaanka ah kana bilawno wadamada jaarka ee ku jira urur goboleedka Igad sida  Kenya, Ethiopia, Koonfurta Sudaan, Djabouti iyo Sudaan iyo wadamada kale ee Afrika marka laga tago wadamada Geeska Afrika sida wadamada ku yaala koonfurta Afrika iyo wadamada ku yaala galbeedka Afrika oo aynu mar xidhiidh la lahaan jirnay.” Ayuu yidhi wasiir sacad.

 

Comments are closed