“Askarta la dilayo waxay muujinaysaa dhibicda maamul-xumo ee ka jirta ha’yaddaha amniga ee Booliska iyo Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.”Xildhibaan Rayte DAAWO
Hargaysa 8,March,2016(SDN/QJ):- Xildhibaan Ibraahin Axmed Rayte Gudoomiyaha Gudi hoosaadka Nabadgalyada iyo Difaaca ee Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo u soo Jeediyay inuu Xilka ka qaado Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade oo uu ku eedeeyay inuu yahay Mas’uul gabay Xilkiisa ku aadan adkaynta iyo isku xidhka Ciidamadda amaanka taasina ay Suurto gal ka dhigtay sida uu Yidhi inay soo noqnoqoto dilalka loo gaysanayo Saraakiisha Ciidamada dalka.