|

Gudoomiyaha Ucid oo Komiishanka u Gudbiyey Dacwad ka Dhan ah Labada Xisbi ee Kulmiye Iyo Waddani iyo Falcelinta ka Dhalatay DAAWO

Hargeysa  8,March,2016(SDN/QJ):-Axsaabta qaranka iyo komishanka doorashooyinka qaranka ayaa maanta shir jaraa’id oo ay ku qabteen xarunta komishanka doorashooyinka qaranka  waxay si wada jir ah ugu shaaciyeen inay isla qaateen xeerka anshaxa doorshooyinka dalka.

Kulankaasi Waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka Qaranka C.qaadir Iimaan Warsame oo Sheegay in Shirkani Salka ku hayay Sidii loogu wada dhaqmi lahaa xeerka anshaxa Doorashooyinka qaranka isla markaana ay Si wanaagsan isula qaateen Madaxda Xisbiyada fulinta xeerkan.

Waxa kale oo halkaasi hadlay Gudoomiyeyaasha Xisbiyada Kulmiye Muuse Biixi Cabdi,Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo Gudoomiye ku Xigeenka 1aad ee Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed oo dhamaantoodba soo dhaweeyay Xeerka Anshaxa doorashooyinka.


Comments are closed