Maamulka Puntland oo isku fidinaya Xuduudka Gobolka SOOL ee Garoowe kulaalaya, Iyo Madaxweyne-ku-xigeen Puntland oo laga caydhiyey Deegaanka Bixin DAAWO
Bixin, 3 March, 2016-(SDN/QJ): – Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa Deegaamayn ka bilaabay Tuulooyinka Bixin iyo Buuro-wadal oo ka tirsan Gobolka Sool ee Somaliland isla-markaana dhanka Magaalada Laascaanood ka xiga dhanka Magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland.
Maamul-Gobolleedka Puntland, ayaa doonaya inay soo fidiyaan Xuduudka Magaalada Garoowe la wadaagto Gobolka Sool ee Somaliland, kaas oo u jira Qiyaas ahaan 6KM, waxayna hore u soo galeen Xuduudka Gobolka Sool ee Somaliland illaa 30KM, waxayna dhismayaal ka bilaabeen deegaannada ay ka mid yihiin Buuro-wadal iyo Bixin.
Laakiin, Ciidammada Qaranka Somaliland ee Aaggaa ku sugan oo la socday dedaallada Dhul-ballaadhsi ee Maamulka Puntland ka wado jiidahaas, ayaa Axaddii toddobaaaddkan dagaal la galay Ciidamo uu Maamulka Puntland halkaa keenay, waxayna sida la sheegay ka gubeen Hal gaadhi oo Tikniko, waxayna dhaawacyo gaadhsiiyeen Booyad u sidday Biyo Ciidammada Puntland, taasina waxay Ciidammada Puntland ku khasab tahay inay dib uga baxaan Xuduudka Somaliland.
Laakiin, Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar Camay oo iska indho-tiraya xaqiiqada halkaas taalla, ayaa Habeen hore socdaal Guuro ah ku tagay deegaanka Bixin ee Gudaha Gobolka Sool ee Somaliland, hasa-yeeshee, Shalay Subax markii uu isku dayey inuu la kulmo Odayaasha deegaanka Puntland doonayso inay ka samaysato deegaan ay Mulkido, ayaa waxa Ciidamadii Ilaalada u ahaa uu dagaal dhex maray Maleeshiyo-beeleedyo ka soo jeeda deegaannada Bixin iyo Buuro-wadal, kuwaasi oo Madaxweyne ku-xigeenka Puntland iyo Ciidammadii la socday ku khasbay inay si deg-deg ah uga baxaan Aaggaasi.
Dhanka kale, Dawladda Somaliland oo Doraad ka hadashay Faro-gelinta Maamul-Gobolleedka Puntland ku soo sameeyay Ciidda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegtay in aanay faraha ka laabanayn difaaca Dhulkeeda isla-markaana wixii dhibaato halkaa ka yimaadda Maamulka Puntland dusha ka qaadayo.