Agaasimaha Guud ee Caafimaadka oo ballan ku qaaday inuu Qasnadda Dawladda ku shubayo Lacago intuu Ogaa ka badan oo Wasaaradda lagaga qaado Farmasiiyada Dalka
Hargaysa 3,March,2016(SDN/QJ):- Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, ayaa bilowday Qorshe ay ku diwaangelinayso isla-markaana Ogolaansho Ganacsi ku siinayso Farmasiiyada iibiya Daawooyinka ee ku yaalla Gobollada iyo Degmooyinka Dalka.
Wasaaradda Caafimaadka, ayaa Farmasii kasta oo ku yaalla Dalka ka qaadeysa lacag dhan $ 250 doollar, waxaana markaasi ka dib la siinayaa Farmasi kasta Shahaado Ganacsi oo loogu fasaxayo iibinta Daawooyinka.
Lacagtan oo ay Farmasiiyada ka qaadeyso Waaxda Sugidda Daawooyinka iyo Adeegyada Caafimaadka ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo shaki laga muujiyey in sida sharcigu dhigayo Lacagta ku shubayaan Qasnadda Dawladda, ayaa Wargeyska Himilo waxa uu wax ka waydiiyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Saleebaan Jaamac Diiriye.
Agaasimaha oo ugu horeyn la waydiiyey waxa uu kala socdo Lacagta dhan $ 250 doollar ee Waaxda Sugidda Daawooyinku ka qaadeyso Farmasiiyada Dalka, ayaa ku jawaabay, “Haddii Lacag laga qaado oo aan wax shaqo ah loo qabanin Farmasiiyada Anigu ma ogo, laakiin haddii inta lacag laga qaado la siiyo Shahaado ay ku Ganacsadaan, Lacagtaasi waxay tageysaa Wasaaradda Maaliyadda, Aniguna waan u sheegay in Adeegga la qabto wixii Lacag ah ee laga qaadayo lagu qabto Rasiidhka (Receipt) Wasaaradda Maaliyadda.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Masuuliyiinta Waaxda Sugidda Daawooyinka ee Wasaaraddu la socodsiiyeen Lacagta ay ka qaadeen Farmasiiyada, laakiin aanu weli Arag Lacagta iyo Cadadkeeda midna, “Waxay igu yidhaahdeen Lacag baanu ka qabanay (Farmasiiyada), laakiin Anigu maan Arag Lacagta, waxayna igu yidhaahdeen Lacagtii waanu haynaa oo Wasaaradda Maaliyadda umaanu gudbin, markaa waxaan amray in lagu dul-dhajiyo warqadda Cashuur bixinta ee Wasaaradda Maaliyadda.”
Agaasimaha Guud oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay, “Farmasiiyada Lacagta laga qabanayo Anigu waan ugu imid Wasaaradda (Markii la ii soo beddelay) waxaana la siiyaa Shahaadada Ganacsiga Farmasiiyada iyo ta Ganacsiga Daawooyinka, waayo? Inuu Farmasigiisu Daawo iibin karo waxaa siin karta Wasaaradda Caafimaadka, markaa haddii aanay Lacagtaasi ahayn mid lagu qabtay Warqadda Ganacsiga ee Farmasiiyada la siinayo iyo Warqadda loogu ogolaanayo inay Daawooyin iibin karaan, waxaan u baahanahay inaan kala tashado kuwa Farsamada ee Wasaaradda Caafimaadka.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Shaqaalaha Waaxda Lacagta qabaneysaa u sheegeen in Lacagta ay ka qaadanayaan Farmasiiyadu tahay $ 100 doollar, “Lacagta laga qaadayo Farmasiiyada waxa la iigu sheegay inay tahay $ 100 dollar, laakiin la iiguma sheegin $ 250 dollar, hasa-ahaatee Aniga waxa la iga yaqaanaa in 250-kaaba aan Qasnadda Dawladda ku hubiyo.”
Agaasimaha Guud, waxa uu caddeeyay in Lacagta Farmasiiyada laga qaadayaa Sharci tahay, laakiin Sharci daradu tahay inaan lagu shubin Qasnadda Dawladda, “Lacagta inay qaadaan Sharci daro maaha, laakiin waxa Sharci daro ah in Qasnadda Dawladda lagu shubi waayo.”