Guddoomiye CIRRO Oo Shaaca Ka Qaaday In Ay Wada Hadal La Furayaan Garabka Is-Bahaysiga Kulmiye DAAWO
Hargaysa 3,March,2016(SDN/QJ):- Guddoomiyaha aqalka Wakiilada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaraadka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi “Cirro”ayaa markii ugu horaysay shaaca ka qaaday inuu Xisbiga WADDANI wada haddal la furaayo garabka isbahaysiga KULMIYE, isagoo sheegay Guddoomiyuhu in hoggaanka Xisbiga WADDANI uu ka shir arinkaasi,isla markaana ay isla qateen in ay wada xaajoodyo la bilaabaan garabka isbahaysiga KULMIYE,
Sidaasna wuxuu ku sheegay Guddoomiye C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro mar uu Warbaahinta kula haddalayey magaalada Hargeysa “Waxa kele oo aan doonyaa arin kale oo beryan saxaafadu ku jirtey, beryahan waxaad maqlayseen,wada hadalbaa u socday isbahaysiga,iyo WADDANI oo saxaafadu aad u buunbuunisay,lakiin waxaan idiin sheegayaa arintaasi in Xisbi ahaan uu hoggaanku ka shiray.waxaanan isla qaadanay xisbi ahaan in aanu wada haddalkii la bilawno isbahaysig,haddii uu ilaahay ka dhigo waa go’aan Xisbi, wakhtiga iyo sida uu u bilaamayo waxaasi tafaasiishood wey iman doonaan,”Ayuu yidhi Guddoomiye C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro.
Guddoomiye Cirro oo haddalkiisa sii wata wuxuu intaasi ku daray”Lakiin waxaanu jecelnahay siyaasiyiintaa reer Somaliland ee isbahaysiga ah,ee weli ka tirsan Xisbiga KULMIYE,iyadoo ay xisbiga calaamadiisu tahay xisbi Somaliland oo dadku u simanyahay,madaama ay rag siyaasiyiin ah yihiin waxaanu isla garanay in aanu wada haddalkii la bilawno,insha allaahu bilawgiisa goorta uu bilaabayo waxaa gadaal baan ka soo sheegi doonaan haddii uu illaahay ka dhigo,Ayuu yidhi Cirro