“Ma jirto meel jidgooyo la iigu sameyey shacabkana been ayaa loo sheegayaa” Md.Axmed Yuusuf Yaasiin
Ceerigaabo 2,March,2016(SDN/QJ):-Madaxwayne ku xigeenkii hore ee somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin oo ku sugan magaalada Ceerigaabo ayaa beeniyay warar sheegaya in dablay hubaysani ay jidgooyo ku sameysay.
Axmed Yuusuf Yaasiin waxaa uu cadeeyay inaanay wararkaasi waxba ka jirin isagoo shacabka reer Somaliland ugu baaqay inay ilaashadaan Nabada iyo wadanoolaanshaha ay ku soo nooleyd Jamhuuriyada Somaliland.
“Ma jirto meel jidgooyo la iigu sameyey shacabkana been ayaa loo sheegayaa hadana Ceerigaabo ayaan joogaa waanan joogayaa dadkuna waa dadkaygii”ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin oo khadka Telifoonka ugu waramayey Wariye Ibraahim Cismaan
Madaxwayne ku xigeenkii Hore Axmed Yuusuf Yaasiin oo hadalkiisa sii wataa waxaa uu intaasi ku daray oo yidhi“Bulshada Somaliland Waxaan leeyahay aan ilaashano nabad galyada oo halaga fogaado waxyaabaha dhibaatada u hor seedi kara wada noolaashan dadka walaalaha ah”
Mareegaha Internetka ayaa faafinayay warar sheegaya in Axmed Yuusuf Yaasiin ay wadada u gashay dablay ka cadhaysan dilkii shalay loo gaystay Taliye Casayr.