BOQOR BUUR-MADOW : Waxaan Madaxweyne Siilaanyo Usoo jeedin Lahaa In uu iska Casilo Xilka uu Ummadda u hayo
Hargeysa –Boqor Cismaan Aw Maxamud Buurmadaw ayaa ku eedeeyey maamulka gobolka Saaxil inay ka danbeeyeen dilkii loo gaystay allah ha u naxariistee sarkaalkii ciidamadda booliiska gobolka Saaxil.
Boqorka oo boggiisa Facebook soo dhigay farriintan ayaa sheegay in muddaba ay arrintani ka shaqaynayeen maamulka gobolku, isagoona sidoo kale la xidhiidhiyay dilka sarkaalkan xisbiyada mucaaridka ah.
Boqorku waxa kale oo uu madaxweyne siilaanyo usoo jeediyay in uu iska casillo xilka uu ummadda u hayo.
Haddaba, qoraal kooban oo uu boggiisa facebook soo dhigay ayaa u dhignaa sidan;
Dhacdadan lagu dilay taliyihii qaybta policeka berbera. Maaha wax siyar oo fudud isaga dhacay. Waana arin lagasoo shaqaynayey. Oo ah mid lagu duminaayo qaranka somaliland. Waxaana cad inay ahayd mu aamaraad ay fuliyeen maamulka gobolka saaxil oo loo hagaayey sifarsamaysan. Mana aha dhacdooyinkan iska soo dabadhacaaya ee kasocda gobolka saaxil mid laga indhaqarsankaro ama laga dulqaadankaro tobankii dhacdo ee u danbeeyey. Marqudha maydhicin in xataa raaligelin laga bixiyo ama ay muuqato in laga xunyahay. Hadaba maadaama ay cadaatay dhacdooyinkan dhamaantood inay Ku arooraan talo Iyo waxa kale oo muuqata in xisbiyada mucaaradku ku faraxsanyihiin. Ama ba ay qaybka yihiin guubaabada iyo hurinta colaada. Waxa kale oo jira . in qaybta ugu wayn ay ka qaateen salaadiin iyo madaxdhaqameed. Sidaa awgeed .dhamaan beelaha habarjeclo waxay qaadici doonaan diiwaangelinta. Doorashada gobolada saaxil.sanaag. iyo sool. Waxaan kale oo talo usoo jeedin lahaa madaxwayne siilaanyo. Inuu iska casilo xilka uu umada u hayo… colaada laga wado umada walaalaha ah cawaaqib xumada kadhalata waxay eersandoontaa. Cida sharafta u taqaan dagaalada sokeeye. Talo iyo go’aamo degdeg ah ayay beeshu kaqaadan doontaa. Mahadsanidin