Guddoomiyaha Mashruuca Wadada-Cad Cali Sanyare oo Mareykanka Ku Sugan iyo Kulan Ballaadhan Oo Uu la yeellan Doonno Jaaliyada Maraykanka
Minneapolis (QJ/SDN) – Jaaliyada reer Somaliland ee ku sugan dalka maraykanka gaar ahaan gobolka Mineasota ayaa kulan ballaadhan qaban-qaabinaysa kaas oo ay lacago ugu uruurinayaan mashruuca hirgalay ee wadada Cad, iyadoona uu kulankaasi kala soo qayb gali doono gudoomiyaha mashruuca wada cad Cali Sanyare oo dhawaanahanba halkaasi ugu sugnaa arrimo la xidhiidha isla mashruuca wadada cad.
Haddaba, kulanka ayaa loo ballansanayahay 5ta bisha March maalinka sabtida ah saacaduna ay tahay 7pm – 12am.