|

Madaxweyne Siilaanyo iyo Gudoomiye Cirro oo dhambaalo Tacsi ah u diray Laba Marxuun oo Taariikh ku lahaa dalka

Hargaysa, 28 February, 2016-(SDN/QJ) :– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo Isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somalilandba waxa uu shacbiga ka tacsiyadaynayaa geerida ku timid marxuumiinta kala ah, Marxuum Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan Gadhyare iyo Marxuum Mujaahid Axmed Maxamed Xasan Awowo(Axmed Jabaan) oo Taariikhda maanta 28.02.2016 ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

12798915_915003118613542_1869374518668551247_nMadaxweynuhu wuxuu si gaara tacsidaa ugu dirayaa Qoysaskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee ay ka bexeen.

 

Madaxweynuhu waxa uu labada marxuum ku sifeeyey kuwo magac ku lahaa dalka iyo dadkaba, iyagoo kala ahaa halgamaa ka soo qaybqaatay xorayntii wadanka iyo aqoon yahan door muhiima kaga jiray dib u dhiska iyo horumarka dalka.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo Qoysaskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

Sidoo kale Guddoomiyaha aqalka Wakiilada Somaliland ahna guddoomiyaha Xisbiga  Mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro,Isagoo ka haddlaya  magaciisa ka golaha wakiilada Somaliland ka xisbiga Mucaaradka Ah ee WADDANI wuxuu Ka Tacsi U Dirayaa Mujaahidiinta, Bahda dhaqanka, aqoon yahaynka, asxaabtii,eheladii qaraabadii, qoysaskii iyo shacab weynaha reer Somaliland,isagoo ka Tacsiyadaynaya geerida ku timi  marxuumiinta kala ah, Marxuum Mujaahid Axmed Maxamed Xasan Awowo(Axmed Jabaan) Iyo Narxuum Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan Gadhyare iyo ) oo Taariikhda maanta 28.02.2016 ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

 

 

Guddoomiye Cirro ayaa labad marxuum ku sifeeyey haddooro bulshada ka baxay waxaanu ku timaamay inay doorar mugle ka qaateen haganadii dalka iyo hurumarka hadda ka socda dalka,

 

Guddoomiyuhu wuxuu marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo Qoysaskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Comments are closed