|

Zimbabwe: Madaxweyne Mugabbe oo Boqollaal Kun ku kharasgareeyay Sannad-guurada Dhalashadiisa

Zimbabwe, 29 February, 2016-(SDN/QJ): – Tobanaan kun oo Qof, ayaa ka qeyb galaya munaasabad lagu xusayo sannadguurada 95-aad ee ka soo wareegatay markii uu dhashay Madaxweynaha Dalka Zimbabwe, Rober Mugabe.

 

Robert MugabeDadka Mugabe dhaliila ayaa waxa ay sheegayaan in xafladdaasi oo lagu soo warramaya in ay ku kacayso kharash gaadhaya 800,000 oo doolar ay tahay mid aan habboonayn, maaddaama Waddankaasi uu haatan wajahayo Abaar.

 

Madaxweyne Mugabe ayaa awoodda dalkaasi hayay tan iyo sanadkii 1980-kii, xilligaasi oo Zimbabwe ay soo afjartay xukunkii caddaanka laga tirada badnaa, ayna si buuxdo xornimada uga qaadatay boqortooyada Britain.

 

Mugabbe oo haatan haya Guddoomiyenimada Ururka Midowga Afrika (AU), ayaa sidan oo kale Sannad kasta loo sameeyaa Munaasibad dhalasho oo ku kacda boqollaal kun oo dollar.

 

Mugabbe, ayaa ah Madaxweynaha ugu da’da weyn Afrika ee talinaya muddo 36 Sanadood ah.

Comments are closed