Weriye Maxamed Yaasiin Faratoon oo Ciidamadda Nabad Sugida Somalia Xabsiga u Taxaabeen.
Muqdisho 1.Feb 2012 (SDN/QJ):-Weriye Maxamed Yaasiin Faratoon oo ka hawl gala Idaacada Shabeele ee Magaaladda Muqdisho ayaa Shalay Ciidamadda Dawladu Xabsiga u Taxaabeen Xili uu ku sii Socday Xarunta Idaacada ee Magaaladda Muqdisho.
Ciidamadda Nabad Sugida ayaa ku eedeeyay inuu Weriye Faratoon ka faafiyey Warar Lidi ku ah dawlada.
Geesta kale Kooxdda Alshabaab ayaa Hore Qoraalo Hanjabaad ah ugu soo diray Weriye Maxamed Yaasiin Faratoon iyagoo Sheegay inay Bartilmaameedsanayaan,Maadaama uu u adeego Sida ay Sheegeen Cadawga Ilaahay oo ay uga Jeedaan Dawlada Somalia iyagoo Sidoo kalena ku Sheegay inuu Gaaloobay Maadaama uu la shaqeeyo dawlada.
Wixii Warar ah ee Ka soo Kordha Xadhiga Weriyahahan dib ayaan idiinka soo Sheegi doonaa.