Gudida Sahan-Barwaaqo Oo Deeq 43-Booyadood Oo Biyaha Ah Oo Ay Soo Direen Hablaha Gaaroodi Gaadhsiisay Deegaanada Abaartu Saameysay Ee Degmooyinka Sallaxley iyo Saba-Wanaag SAWIRRO/DAAWO
Hargeysa,28Feb,2016(QJ/SDN)-Iyadoo maalmihii ugu danbeeyay ay isasoo taraysay qaylo-dhaanta ku aadan abaaraha ku dhuftay deegaanada Somaliland, ayaa waxa maanta deeq biyo ah la gaadhsiiyay deegaanno hoos taga degmooyinka Sallaxley iyo Saba-Wanaag.
Deeqdan biyaha ah oo ka koobnayd 43-Booyadood ayaa waxa soo diray hablaha Ururka Gaaroodi ee deegaannadaasi , iyagoo kusoo hagaajiyay Guddida Guud Ee Sahan Barwaaqo.
Deegaanada Abaartu saameysay ee la gaadhsiiyay Maanta booyadaha biyaha ah ayaa waxa ka mid ahaa; Toon, Sharmaarke, Dhimbilka, Balli case, Qoolcaday, Qori-jabley, Balli-ciise, Raybadka, Balli ismaaciil iyo Reer Masaajid.
Dhanka Kale, Dadka Abaartu Saameysay ee biyaha la gaadhsiiyay oo warbaahinta la hadlay ayaa si wayn ugu mahad celiyay hablaha Gaaroodi iyo weliba Guddida Sahan-Barwaaqo.
Muuqaal iyo Sawirro Halkan Hoose Ka Daawo;