|

War Deg Deg Ah: Aqoonyahan /Ganacsade Maxamed Cabdiraxmaan Gadhyare oo Goor Dhawayd Ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعونَ

gadhyare 

Hargeysa,28Feb,2016(QJ/SDN)- Inaa lilaahi Wa Inaa Ilayhi raajicuun Aqoonyahan /Ganacsade Maxamed CabdiRaxmaan Gadhyare ayaa Goor Dhawayd Ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.

 Aqoonyahan /Ganacsade Maxamed Cabdiraxman Gadhyare ayaa u Geeriyooday Xanuun uu Saddexdii Maalmood ee u Dambeeyey u Jiifay Cusbitaalka International Hospital ee Xaafada Masalaha Magaalada Hargeysa.  Marxuumka ayaa ka mid ahaa Ganacsatada iyo Aqoonyahanka Waaweyn ee reer Hargeysa Bud Dhigaha u ah Isla Markaana ka Soo jeed Qoys Caan ka Ah Geyiga Soomaalidu Degto Guud ahaan .

Shabakadda Qurbejoog.Com Waxay Tacsi u Dirayasaa Qoyskii Reer Xaaji Cabdiraxmaan Gadhyare , Ehelka guud ahaan  ,  Shacbiga Somaliland , iyo Dhamaan Asxaabtiisii.

Allena Waxaanu uga Baryaynaa in uu Aqoonyahan /Ganacsade Maxamed Cabdiraxman Gadhyare ka Waraabiyo Janatul Fardawsa Aclaa Inaa Li laahi Wa Inaa Ilayhi raajicuun.

Dhanka Kale, Qurbejoog.Com waxa soo gaadhaya Tacsida Ku Aadan Marxuumka Dal iyo Dibadba. Alle Ha U Naxariisto Marxuum Maxamed Cabdiraxmaan Gabdhyare.

Comments are closed