Ma run-baa in dib u dhaca Doorashada Somaliland la xidhiidho Doorashada Federaalka Soomaaliya? DAAWO
Hargeysa,28,February,2016 (SDN/QJ):- Suxufi Simon Allison oo ka qeyb qaatay barnaamijka News Makers oo lagu falanqeenayey xaalada siyaasadeed iyo doorashada dhawaan dalka Somaliya ka dhici doonta, ayaa sheegay in Diblumaasiyiin reer Galbeed ah u xaqiijiyeen in ay ku cadaadiyeen Somaliland inay dib u dhigto Doorashadooda si looga soo hormariyo Doorashada Federaalka Soomaaliya.
Barnaamijka News Makers oo ka baxay telefishinka TRT ayaa lagaga hadlay doorashooyinka soo socda iyo waliba xoogaga shisheeye iyo kuwa gudaha Soomaaliya ku sugan ee saameyn ku yeelan kara doorashooyinka la filayo in ay dhawaan ka dhacdo wadanka Somaliya.
Halkan ka daawo Simon Allison oo ka hadlay doorashooyinka Somaliland iyo Federaalka Somalia