Mas’uul Sare oo ka Tirsan Xukuumadda Ingiriiska Oo Baarlamaanka Dalkeeda Uga Warantay Farqiga u Dhaxeeya Somaliland Iyo Soomaaliya
London,28,February,2016 (SDN/QJ):- Dawladda Ingiriiska, ayaa shaaca ka qaaday in jamhuuriyada Somaliland qeyb ka tahay dalal iskaashi ka dhaxeeyo, isla markaana si cad u muujiyey inay ka duwan tahay Soomaaliya.
Fadhi baarlamaanka Ingiriisku yeeshay khamiistii toddobaadkii hore oo xildhibaan Nicholas Soames, ku weydiiyey haweenayda Wasiiru-dowlaha Gaashaandhiga Penny Mordaunt, su’aal la xidhiidhay wadamadda kala qeyb-qaatay tababarrada maraakiibta dushooda ee Flag Officer.
Penny Mordaunt, oo ah Wasiiru-dowlaha Gaashaandhiga Ingiriiska ayaa sheegtay in sannad walba wadammo badan kala qeyb qaataan tababarrada badaha ee loo yaqaan Flag Officer.
Mrs. Mordaunt ayaa sheegtay in sannadkii hore 58 wadan kala qeyb galeen oo Somaliland qeyb ka tahay, laakiin aan lagu darin magaca wadanka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya, kana mid yihiin: Albania, Australia, Austria, Azerbaijan, Bahamas, Bahrain, Bangladesh, Belize, Brunei, Canada, Chile, Colombia, Denmark, Egypt, Estonia, France, Germany, Georgia, Ghana, India, Indonesia, Ireland, Italy, Jamaica, Jordan, Kenya, Korea, Kuwait, Lebanon, Libya, Malaysia, Malta, Morocco, Mozambique, Netherlands, New Zealand, Nigeria, Norway, Oman, Pakistan, Philippines, Poland, Portugal, Qatar, Saudi Arabia, Senegal, Seychelles, Singapore, Somaliland, South Africa, Trinidad, Tobago, Tunisia, Turkey, Ukraine, United Arab Emirates, Uruguay, Vietnam iyo Yemen.
Tababarkan xukuumadda Ingiriisku sheegtay in Somaliland la wadaagtay ayaa lagu sheegay inuu yahay mid sannad walba ciidamada baddu diyaariyo, oo loogu tallo-galay in lagu xaqiijiyo u diyaar ahaanshaha maraakiibta iyo ciidamadda saaran hawl-galada looga baahdo.
Hadalkan ayaa si cad u muujinaya kala duwanaanshaha dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, iyo sida caalamku ula leeyahay xidhiidho kala duwan oo iskaashi wadanka Jamhuuriyadda Somaliland, inkastoo aanu haysan ictiraaf caalami ah, balse dhinaca kale wadanka Soomaaliya oo dunnidu aqoonsan tahay aanu u haysan.