Daraasad Laga Diyaariyey Adeegyada Caafimaadka Gaarka Ee Somaliland
Hargeysa,28,February,2016 (SDN/QJ):- Daraasad lagu qiimaynayey heerarka adeegyada caafimaadka gaarka loo leeyahay ee Somaliland ayaa lagu sheegay in tiro gaadhaysa 230 dhakhtar ay adkaatay xaqiijinta shahaadooyinka ay sitaan.
Daraasadaa oo hay’adda kaalmooyinka Caalamka ee Ingiriisku DFID maal-gelisay, isla markaana ay fulisay urur lagu magacaabo HEALTH oo natiijadii daraasadoodu soo baxday bishii hore ayaa lagu amaanay, isla markaana lagu sheegay in cusbitaalka EDNA ee Hargeysa yahay ka keliya ee isku deyey inuu samaysto dawooyinka uu adeegsado.
Daraasadan oo dhinacyo kala duwan lagaga hadlayey ayaa lagu sheegay in Guddiga Qaran ee Mihnadaha Caafimaadku ilaa wakhtigan diiwaangeliyeen 600 oo ka tirsan dhakhaatiirta shaqeeya, halka tiro gaadhaysa 4,500 xirfadlayaal weli hawshoodii diiwaangelinta iyo caddeyntoodu socoto.
Inkastoo aan lagu sheegin daraasadan magaca masuulka ka tirsan Guddiga qaran ee Mihnadleyaasha Caafimaadka ee xogta siiyey ayaa sidoo kale la raaciyey in tiro gaadhaysa 230 dhakhaatiir ay adkaatay xaqiijinta shahaadooyinkooda caafimaad ee ay sitaan, inkastoo aan lagu sheegin inay weli adeegyadii caafimaad qabtaan iyo in laga joojiyey.
Cusbitaalka guud ee Hargeysa ayaa lagu sheegay daraasada inuu qorshaynayo iskaashi dhex mara cusbitaalada gaarka loo leeyahay, si loo ogaado sariiraha ka banaan ka hor intaan loo soo gudbin bukaan-socodka jiifka cusbitaaladaa.
Daraasadan ayaa lagu amaanay cusbitaalka Hooyada iyo dhalaanka ee Edna, isla markaana lagu sheegay inuu yahay ka keliya ee qorshaynaya sidii uu dalka gudahiisa ugu diyaarsan lahaa biyaha xididada laga siiyo bukaanka, loona adeegsado irbadaha, balse weli caqabad ka haysato dhaqaalihii ay ku bilaabi lahaayeen qorshahan.
Sidoo kale cusbitaalka gaarka loo leeyahay ee Manhal ayaa lagu sheegay daraasadan inuu yahay ka keliya ee wasaarada Caafimaadka Somaliland u soo gudbiya macluumaadka la xidhiidha noocyada xanuunada ay ka daweeyaan bukaanada soo mara.
Daraasadan oo la gudbin doono bisha March ee fooda innagu soo haysa, ayaa la sheegay inay noqon doonto siyaasada hay’ada kaalmooyinka caalamka ee Ingiriiska DFID ku salayn doonto maalgelintooda sannadka 2016 iyo wixii ka dambeeya.