|

Sheekh Aadan-Siiro oo Qorshe Muddo Kordhineed ku sheegay Khilaafka Waqooyiga Hargeysa DAAWO

Hargaysa 27.Feb 2016 (SDN/QJ):-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan-Siiro), ayaa ka hadlay Murannada ka taagan Deegaannada Waqooyiga Magaalada Hargeysa iyo Mushkiladda Siyaasadeed ee Muddada dheer ka jirta Deegaannada Buuhoodle, waxaanu Xukuumadda kula talinayey in la soo ururiyo Murannada Dalka ka taagan, maaddaama oo Dalku meel Xasaasiya marayo.
Sheekh Aadan-Siiro oo khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay Ahmiyadda Wada tashigu u leeyahay Bulshada Muslimka ah iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in Arrin walba wax laga waydiiyo Cidda ay khuseyso ee Ehelka u ah, ayaa sidoo kalena ka digay in lala tashado Cid aan aaminsanayn Qadiyadda Madax-bannaanida Somaliland.

Sheekha oo arrimahaa ku dabaqaya Axaadiista ka Sugnaaday Rasuulkeenna Suubban ee Muxamed (CSW), ayaa yidhi, “Rasuulku wuxuu yidhi Qofka Amiira ee Magacaaba Qof uu ogyahay inuu jiro Qof ka Wanaagsan oo ka khayr badan oo Shaqadaa uga Wanaagsan ILAAHAY hortiisa ayuu taagan yahay.”

Comments are closed