|

Somaliland Iyo Itoobiya oo Maanta Wada Yeeshay Mashruucii Weyn ee Berbera Corridor Iyo Wada Xaajood laba geesood ah oo ka socda Magaaladda Berbera DAAWO

berbera corridorHargaysa 27.Feb 2016 (SDN/QJ):- Waxa maanta magaalada Berbera ka bilaabmay kulan wada-tashi ah (consultative meeting) oo hayadaha dawladeed ee ay khusayso ee Somsliland iyo Ethiopia iyo waliba Midowga Yurub kaga arinsanayaan mashruucii Berbera Corridor ee isku xidhaayeyey Dekadda Berbera iyo dalka Ethiopia.Kulankan oo sida la sheegay socon doona laba cisho ayaa waxa dhinaca dawladda Ethiopia uga soo qaybgalay ilaa dhawr iyo toban hayadood halkay tiro la mid ahi ka matalayeen hayadaha dawladda Somaliland ,iyadoo masuuliinta labada dawladeed iyo EU-du ay ka wada hadli doonaan sidii loo dardar galin lahaa mashruuca Berbera Corridor oo la filayo inuu wax weyn ka taro dhaqaalaha labada dal

Magaalada Berbera ee Xarunta gobolka saaxil waxa maanta laga dhagaxdhigay mashruucii ugu balaadhnaa taariikhda ee Somaliland laga hirgelinayo, kaasoo ah Masruuca Berbera Coridor oo lagu dhisayo waddo laami ah oo dekedda Berbera ku xidhaysa Magaalada ganacsiga ee Wajaale gaar ahaan dhanka Itoobiya.
Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumada Somaliland iyo weftigii heerka sare ahaa eek a socday Dalka Itoobiya booqashadana ku joogay Somaliland ayaa maanta si wadajir ah u dhagax dhigay Goob loogu talo galay in Agabka Ganacsi ee Itoobiya u Socda lagu dejiyo marka ay yimaadaan Dekeda Magaaladda Berbera.

Comments are closed