|

War Deg Deg Ah: Qaraxyo iyo Weeraro is Xigxigay Oo Goordhaweyd Lagu Qaaday Goobo Muhiima Oo Ku Yaalla Magaalada Muqdisho

Breaking_news-620x33017

MUQDISHO – Weerar Ismiidaamin aad u xoogan ayaa goordhaw laga maqlay agagaarka xarunta Madaxtooyada Soomaaliya,waxaana warar kala duwan uu kasoo baxaya goobta rasmiga ah ee lala eegtay qaraxaasi ismiidaaminta ah.

Warar horudhac ah aan heleyno ayaa sheegaya in weerarka ismiidaaminta ah uu ka dhacay Beerta Nabad oo ku dhaw xarunta Madaxtooyada Soomaalliya, waxaana halkaasi ka dhacay qarax gaari laga soo buuxiyay .

Qarax kadib waxaa ka dhacay rasaas xoogan oon la ogeyn cida rideysa , xaalada ayaana ah mid aad u kacsan, waxaana wadooyinka xiray Ciidamada Dowlada Soomaaliya

Gaadiidka ampalaaska ayaa ku qul qulaya beerta Nabad ee la weeraray, waxaana goobtaasi laga qaadayaa dad dhintay iyo waliba kuwa ku dhaawacmay, xaalada ayaa ah mid wali kacsan, magaalada oo dhan ayaana laga dareemayay qaraxan aadka u xoogan.

Faahfaahinno dheeraada oo kasoo baxaya weeraradii iyo qaraxyada Muqdisho;

Qarax kale oo aad u xoogan ayaa goordhaw mar kale ka dhacay beerta Nabad ee magaalada Muqdisho, xaalada magaalada ayaana u muuqata caawa mid kacsan oo ay hareeyeen qaraxyo aad u xoogan iyo rasaas .

Goobjooge ku dhaw Beerta Nabada ayaa noo sheegay in qaraxa labaad uu ka dhacay isla beerna Nabad , dhawaqan qaraxan labaad ayaa isna ahaa mid aad u xoogan , lamana oga in uu yahay gaari iyo in uu qof is qarxiyay.

Rasaas ayaa sido kale ka dhaceysa gudaha beerta Nabad iyo agagaarkeeda, walina ma xaqiijin karno in gudaha ay galeen dabley hubeesan iyo in kale, ciidamo badan oo katirsan Nabad Sugida Qaranka iyo booliiska ayaa buux dhaafiyay agagaarka Beerta Nabada ee magaalada Muqdisho.

Xaalada magaalada Muqdisho ayaa caawa ah mid aad u kacsan, waxaa aad u yar isku socodka dadka iyo gaadiidka, waxaana magaalada aad looga hadal hayaa qaraxyada caawa lagu weeraray beerta Nabada oo ah goob loo dalxiis tago laguna nasto.

Comments are closed