Abaaraha Ka Jira Deegannada Hoos Taga Salaxley Oo Caalamku Walaac Ka Muujiyay Iyo Xukuumadda Somaliland Oo Indhaha Ka Lalisay
Waxaa Guud ahaan Dhulka Soomaalida ka jira abaaro ba’an oo ku habsaday dad iyo duunyaba .
Abaarahahani ayaa waxaa ay si wayn u sii saameeyeen Puntland iyo Somaliland iyadoo Hay’adaha Caalamiga ah daraasad sameeyeen ku sheegay in abaaraha ka jira Somaliland yihiin kuwa ugu daran ee ka jiraa Dhulka Soomaalida .
Sidoo kale Hay’adahuhu waxay si gaar ah farta ugu fiiqeen abaaraha ka jiraa Koonfurta Hargaysa gaar ahaan Tuulooyinka Hoos Taga Salaxley oo tiradoodu kor u dhaafayso Soddon Tuullo , kuwaas oo ay ku tilmaameen in ay ka taagantahay abaaarta ugu daran ee ka jirta Somaliland .
Xukuumadda Somaliland ayaa Gacan wayn ka geesatay abaaraha ka jira Galbeedka Somaliland iyadoo marar badan gaadhsiiyay Deeqo isugu jiraa Biyo iyo Raashin , sido Kale Xukuumadda ayaa sida si la mid ah Deeqo u gaadhsiisay Deegaanka Balligubadle iyo tuulooyinka Hoos taga .
Waxaa Xusid Mudan in aan wax kaalmo ah aanay wali gaadhin Halka ay abaaraha ugu darani ka jiraan ee Deegannada Hoos taga Salaxley Ee Hay’adaha caalamkuna walaaca ka muujiyay sida ay abaaruhu u saameeyeen baad iyo biyaba .
Xukuumadda ayaa indhaha ka lalisay Abaaraha Saddex jirsaday ee ka jiraa Deegannadaasi iyadoo ta baddalkeedana aanay ilaa haatan jirin wax qorshe ah oo loogu talo galay in wax lagaga qabto abaaraha sida ba’an ugu dhuftay Deegannadaasi hoos taga Salaxley ee Koonfurta Hargaysa .
Sababaha ugu waawayn ee kallifay in Xukuumaddu aanay gacan ka geysan Abaaraha ba’an ee ka jira Deegannadaasi ayaa waxaa kow ka ah Masuuliyiinta Xukuumadda ugu jiraa Deegannadaasi oo ka seexday wax u qabashada Bulshadooda baahiyaysan ee abaaruhu halakeeyeen , iyagoo kaga mashquulay Danahooda gaarka ah isla markaana ay ku adkaatay in ay xukuumadda u bandhigaan abaarahaasi oo ay sidoo kale ku adkeeyaan in xukuumaddu wax ka qabato abaarahaasi sida ay wax uga qabatay Deegannada kale ee Somaliland .
Waxaana ay Muuujinaysaa sida Siyaasiyiinta Xilalka ka hayya Xukuumaddu ee ka soo jeeda Deegannadaasi Hoos taga Salaxley aanay awoodba ugu lahayn Xukuumadda oo ay u yihiin mago ciyaal u adeega Danaha xukuumadda iyo danahooda gaarka ah .
Abaarahan ka jira Deegannadaasi ayaa waxaa ku le’day Xoolo aad u tiro badan iyadoo Dadkuna ay la’yihiin wax ay afkooda u cabaan , Sidoo kale bulshada ku dhaqan Deeganadaasi ayaa abaaraha waxaa U Dheer Xoolahoodii oo aan iib lahayn .