|

Wasaaradda Deegaanka Somaliland oo sheegtay inay Maxkamadda la tiigsanayso Fannaaniin u xidhan muran Dhaqaale oo dhex maray DAAWO

Hargaysa 26 February 2016-(SDN/QJ):– Wasaaradda Deegaanka iyo horumarinta Reer Miyiga Somaliland, ayaa ka hadashay sababta ay u xidheen 8 ka mid ah Fannaaniinta Qaranka, waxayna sheegeen in kooxdaasi rabshad ka dhex sameeyeen Gudaha Wasaaradda.

Warka-2-aad2Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Marwo Shukri Ismaaciil Baandare oo ka hadlaysay Shir-jaraa’id oo iyada iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi si wada jir ah u qabteen, ayaa sheegtay in Fannaaniinta la xidhay Wasaaradda u sameeyeen Filim Dhukumantari ah oo ku saabsan Wacyi-gelinta Dadweynaha ee Deegaanka, laakiin markii dambe Fannaaniintu dhibaato ka sameeyeen Xarunta Wasaaradda.

Wasiir Shukri oo faahfaahinaysa xidhiidhka Wasaaradda deegaanka iyo Fannaaniinta la xidhay dhex maray markii hore iyo sida uu ku yimid Filimka lacagtiisu muranka dhalisay, ayaa tidhi, “Fannaaniintu waxay markii hore u yimaaddeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka, waxayna ku yidhaahdeen wakhti hore waxaanu si bilaash ah idiinku samaynay Riwaayad Wacy-gelin ah, imikana waxaanu idiin samaynaynaa mid kale ee waxaanu doonaynaa inaad markan si wanaagsan noo gashaan. Agaasimuhu wuu soo dhaweeyay waxaanu u sheegay in Lacagta Miisaaniyadda Wasaaradda ugu jirtaa in Gobollada Dalka oo dhan Daaye aanay Hargeysa ku fileyn, markaasi ka dib Fannaaniintu way shaqo tageen oo Hargeysa hareeraheeda ayay tageen (si ay Filimka ugu soo sameeyaan), markay soo dhameeyeen ayay Aniga ii yimaaddeen oo waxaan ka eegay Filimka, dabadeedna wixii aanu Annagu haynay ee Wasaaradda yaalay ayaan ku idhi Agaasimaha Guud hala siiyo, dabadeedna Agaasimuhu wuxuu igu yidhi Qoladaasi (Fannaaniintu) way yar guuxayaan, markaas ayaan ku idhi wixii kale ee aynu u heli karno intaad u baadh-baadhaan waynu siin.”

Wasiiradda oo sii hadlaysa, ayaa sheegtay, “Halkaasaa iigu dambeysay Aniga, waxaana iigu xigay Niman iyo Hablo Fannaaniin ah baa dibadda Wasaaradda jooga oo Dagaal baa dhacay.” Ayay tidhi, waxayna intaa ku dartay in Dagaalka gacan ka hadalka ah ee Wasaaradda ku dhex maray Fannaaniinta iyo Ciidammada Ammaanka ee Wasaaraddaasi, ka dib ay Fannaaniintu Xafiiskeeda ugu tageen isla-markaana iyaga oo u wada waxa dagaalka Gacan ka hadalka keenay ay Ciidammada Booliisku xidheen.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka Somaliland Maxamed Cilmi oo isaguna Shirka jaraa’id ka hadlay, ayaa sheegay inay Fannaaniinta xidhan Maxkamadda isla tagayaan, “Fannaaniinta waxaanu la tiigsan doonaa maxkamadda, waayo? waxaan sharcigu ogalayn ayay sameeyeeen oo Wasaaradda dhexdeeda ay dagaal iyo fowdo ka dhex bilaabeen, markaa waxaa balan ah inaan sharciga iyo Maxkamadda la tiigsan doono.” Ayuu yidhi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga..

Comments are closed