Wasiiro Ka Tirsan Xukuumadda oo ka Qayb galay Aaska Suxufi Cabdiqaadir Maxamed Ciid Baay DAAWO
Hargeysa 25.Feb 2016 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Mudane Cismaan C.laahi Saxardiid “Caddaani” oo uu Weheliyo Wasiirka Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse,Wasiirka Qorshaynta Qaranka Mudane Cali Salaan Jirde “Cali Shoonbe” Madax iyo Mas’uuliyiin ka socday Golayaasha qaranka iyo bah’da Saxaafadda ayaa maanta ka qayb galay aas loo sameeyay alle naxariistiisii Janno ha ugu deeqee Marxuun Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Baay) oo ka mid ahaa Haldoorka Saxaafadda Somaliland oo lagu aasay Xabaalaha Masalaha.
Wasiiradda Warfaafinta,Xannaanadda Xoolaha iyo Mas’uuliyiintii aaaskaasi ka qayb gashay ayaa sheegay in Marxuunku uu ahaa Shakhsi lagu hirto isla markaana qayb wax ku ool ah ka soo qaatay Horumarka Saxaafadda Madaxa Bannaan ee Somaliland Waxayna eebbe uga baryeen inuu naxariistiisii Janno ugu deeqo,Qoyskii,Qaraabadii iyo Guud ahaan bah’da Saxaafadda ee uu ka baxayna Samir iyo Iimaan ka siiyo.