War Deg Deg Ah: Hoobiyaal goordhaweyd lagu garaacay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya
Muqdisho — Waxaa goordhaweyd tiro hoobiyaal ah lagu garaacay Degmada Wardhiigley gaar ahaan agagaarka xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.
Ku dhawaad shan hoobiye ayaa lagu garaacay Degmada Wardhiigley gaar ahaan goobo ku dhaw dhaw xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, lamana oga ilaa hada goobaha ay ku dhaceen hoobiyaasha iyo khasaaraha ay geesteen.
Dadka ku dhaqan xaafadaha ku dhaw dhaw Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa aad uga argagaxay madaafiicdan goordhaweyd halkaasi ku dhacday.
Dhoor mar oo hore ayaa sidan oo kale madaafiic khasaare kala duwan geesatay loogu garaacay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya iyo xaafado ku dhaw dhaw, waxaana inta badan khasaaraha uu kasoo gaadhay madaafiicdaasi dad shacab ah.
Faah faahino kasoo baxaya Madaafiic dad badan ku dhinteen oo goordhaweyd lagu garaacay Qeybo kamid ah Muqdisho;
Waxaa goordhaw ku dhawaad shan Hoobiye ay ku dhaceen xaafado katirsan Degmooyinka Howl-Wadaag iyo Wardhiigley gaar ahaan xaafado ku dhaw dhaw xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.
Qaar kamid ah Madaafiicda lagu tuuray Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ku dhacay xaafada Cago Dheeg , waxaana halkaasi ku dhintay ilaa afar qof oo la sheegay in ay u badnaayeen caruur iyo haween.
Waxaa sidoo kale madaafiicdan ku dhaawacmay dad ku dhaw 10-qof oo u badnaa dad shacab ah, oo isugu jira caruur iyo haween kuwaa oo qaarkood qaba dhaawacyo culus loona qaaday isbitaalo kuyaala Magaalada Muqdisho, waxaana laga cabsi qabaa in qasaaraha dhimasho ay sii kordhaan.
Dadka ku dhaqan Degmooyinka Howl-Wadaag iyo Wardgiigley ayaa aad uga argagacay madaafiicdan maanta kusoo dhacay xaafadahoodai, waxaana dadka ka muuqday aragagax aad u xoogan ay ka qaadeen madaafiicda iyo waliba dadkii shacabka ahaa ee ku dhintay.
khasaaraha ugu badan ee ka dhashay Madaafiicdan ayaa soo gaadhay qoys degnaa Xaafada Howl-Wadaag halkaas ay ku dhaceen hoobiyaasha la tuuray, waxaana dadka dhintay la sheegay in ay ahaayeen dad isku qoys ah oo hal guri kuwada noolaa.
al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyada hoobiyaashan khasaaraha uu kasoo gaadhay dadka shacabka ah ee goordhaw ku dhacay xaafado katirsan Degmooyinka Howl-Wadaag iyo Wardhiigley, sidoo kale laamaha amaanka Dowlada ayaan wali ka hadlin madaafiicdan iyo qasaaraha ka dhashay.
Madaafiicda lagu garaaco xaafadaha ku dhaw dhaw Madaxtooyada Soomaaliya ayaa inta badan waxa ay qasaaro kasoo gaartaa dad shacab ah , Al-Shabaab ayaana dhoor mar sheegtay masuuliyada madaafiic lagu garaacay Villa Soomaaliya.