Wasiir Xaglo Toosiye Oo Fariin Digniintii Ugu Adkayd Ah U Diray Cali Khaliif Galaydh
Hargeysa — Wasiirka wasaarada caafiimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo toosiye oo mudooyinkii u danbeeyeyba ku sugnaa magaalada buuhoodle ayaa waxa maanta farini digniin ah u diray dagaal ooge Cali Khaliif Galaydh kuna baaqay inuu ka waantoobi maatada uu laynayo waxaana uu yidhi.
“Dad baa fahmay nabadu waxay tahay, dad baa jira doonaya nabad inay kuu nolaadaan intay nool yihiin waayo colaada waynu naqaanaa, sidaasoo kalena waxa jira dad colaad u taagan oo doonaya colaadii iyo mugdigii inay deegaanadan kusoo celiyaan, kuwo hadlay oo maato doox ku baaqay ayaa jira oo colaad xun ku baaqay maatada la dooxayaa ee la sheegayaana waa hooyada, hadii lays jiidho cida laysla jiidhayaana waa idinka waxaanan leenahay kuwaas nabada kusoo dabaala intaana cagta idin marin”Sidaas ayuu yidhi wasiir Xaglo Toosiye
Sidoo kalena wasiir Xaglo Toosiye isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu bulshada degan magaalada buuhoodle iyo deegaanaada hoos yimaadaba ugu baaqay inay ilaashadaan nabadgaliyadooda cidnana aanay ka ogalaan inay khal khal galiyaan waxaana uu yidhi.
“waxaan idinku baqayaa inaydaan cidna ka yeelin inuu nabadiina qasso, waxaanan bulshada deegaanadan ka rabnaa inay ilaashadaan nabadgaliyadooda, waxaana idin baln qadaynaa aan idinkula dadaalaynaa inaan cidina nabadgaliyadiida idinka qassin. Walaahay qof bini aadama ka yeeli maayo nabadaan helay ee dhisay inuu baabiiyo idinkana waxaan idinka codsanayaa inaad ilaashataan oo ila shaqaysaan balanteenuna waa nabad iyo horumar cida isku dayda inay nabadiina qastana walaahay waa waxaanan cagta marinayn”Sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay wasiir Xaglo Toosiye