Goormuu koombuyuutarku ka fiicnaadey hooyonimo
Marka hore waxan ku bilaabayaa magaca illaahay ii suurto galiyey inaan maqaalkan qaro
sidaynu ogsoonahay ilaahay isagaa abuuray aadamaha rag iyo dumarba
midkastaana wuxu siiyey xaq iyo xaquuq aasaasi ah oo ay leeyihiin
sanada han ugu danbeyey waxa soo baxayey walaacyo lagasoo warinayo
dumarka ku dhaqan dunida muslimka
ayna sheegayaan reer galbeedku in dumarka aan lasiin xaqooda
hadaba su’aasha meesha taala ayaa ah dad binu aadam ah oo daciif ahi
ma isasiin karaan xuquuq uu alle inasiinin
jawaabtu waa maya ismasiin karaan
- diinteena islaam ku waxay dumarku islaamka ah siisay sharaf iyo wanaag waxayna ka dhigtey tiirka ugu muhiimsan mujtamaca waxaynu ogsoonahay in dumarka hooyooyinka ah ay janadu ku jirto cagahooda hoostooda taas oo diinteena suubani heerkaas gaadhsiisey
marka iyagana hooyada iyo aabaha lagahadlayo hooyadu aabaha sadex jeer
ayeyka xaq badantahay sida uu xadiiska nabigu (scw) sheegayey
diinteena islaamku dumarka waxay kadhig tey boqorado taas oon uga jeedo sida
ay tahay inay udhaqmaan tusaale ahaan
- boqorada dunida iyaga waa loosoo shaqeeyaa kadibna wixii xog ah eelasoo helay
ama xoolihii lasoo shaqeeyay iyagu go”aamiyaan meelaha daruuriga ah
iyo waliba meelaha ay tahay inlagu bixiyo
sidaa si lamida ah dumarka islaamka iyagu inay soo shaqeeyaan alle xaqooda ka
ma dhigin laakiin taas alle raga ayuu saarey xoolaha ay soo helaana dumarka ayaa xaq uleh
sida ay xoolahaa ugu tasarufayso
- boqorada dunida cid gooniya ayaa salaanta sidaas si lamid ah illahay wuxuu waajib kadhigay inay dumarka muslimiinta ahi gacan qaadaan shakhsiyaad kooban oo alle ubaneeyey
- boqorada dunidu waxay leeyihiin gaadh ilaaliya iyaga kana difaaca cadawooda
ilaaliyana sharaftooda
sidaas si lamida ah ayuu alle dumarka ku waajibiyey xijaab kaasoo ka difaaca
cadawgooda shaydaanka iyo kuwa uu soo kaashanayo wuxuuna sidoo kale
uhorseedaa raali ahaanshaha ilaahay
- hadaba inagoo intaasi oodhan ka warqabna ayaa hadana waxa jira dhawaaqyo badan oo caalami ah kana imanaya hayado gaaleed oo mashaariic kusoo qaata fitneynta dumar keena sharafta leh
- hadaba aynu eegno taariikh kooban ooku saabsan reergalbeed iyo la dhaqanka dumarka
- taariikhyadii hore dumarka waxayka aaminsanaayeen inaanay dumarka
ruuxi ku jirin waana dood ayey iskugu yimadeen faylasoofaro galeed
aakhirkiina waxay kusoo gabagabeeyeen inay dumarku ruuxi kujirto laakiinse raga uun loo sameeyey iyaga
- faransiiska ayaa wakhtiyo aan fogeyn lagu qabtey dodo iyaga
ooshaki kaqaba iney dumarku iinsaan yihiin aakhirkiina ay kusoo
gabagabeeyeen inay insaan yihiin aanay cadaabta ka baxsaneyn oo ay ehlu naar yihiin ilaa nabi ciise (scw) hooyadii maryam mooyaane
- 1805 xeer ingiriiska ah ayaa lasameeyey kaas oo raga u ogolaanaya
Inay dumarkooda iibin karaan
Wakhtiyadii danbe ee horumarka lasoo gaadhey ayey dumarku galeen
Halgano ay jeclaayeen inay kaga baxaan adoonsiga arxan darada ah ee loo geystay aa aakhirkii qarnigii labaatanaad ayey soo gaadheen in haweenayda la dooran karo iyaduna wax dooran karto
Ilaa aynu manta aragno inay wadamada qaar kaga xoog bateen ragii
Oo xafiisyada shaqada wada haystaan
- Hadaba markaynu xaaladaas soo eegno dumar keeno sharafta leh
Malasimanyihiin banaysanaya xuquuq aan alle siin
Mujtamaca kastaa wuxuu sitoos ah ugu tiirsan yahay hooyo hadii doorkii hooyadu meesha kabaxo oo suuqa shaqada la isku cidhiidhsado bulshadaas maxaa meel loo sii dhigay ee udiyaarsan
Balse hooyonimo goormay ka muhiimsantey computer la dulfadhisto
Maahmaah somaliyed ayaa ahayd “hooyadu gacan ilmaheeda ayey ku luxdaa gacanta kalena dunidoo dhan”
Waxay sitoosa uqeexaysaa saameynta hooyada
- Hadii aynu hirgalino umad ahaan wax yaabahan boqolka hayadood
Usocdaan oo ah in lasimo rag iyo dumar maxaa dhibaato ah ee aynu
La kulmi doonaa ama mustaqbal side ah ayeynu galidoonaa?
Inteynaan taasba ka jawaabin ragii ugu aqoonta badnaa
Ee ahaa culimadii ugu waa weyneyd ayaaba ka hadlaya
Tusaale :ahaan PETERIK .J. bukhanan oo ahraga ugu caansan
Maraykanka ayaa ka hadlay xaaladaha ay ku suganyihiin markay
Hirgaliyeen waxyaabaha ay inoogu yeedhayaan waliba isaga
Oo qiireysan ayuu ka hadlayaa arintan uuna ka qorey buug
Ubixiyey “dhimashadii reer galbeedka”
Waxyaabaha uuka cabanayo waxa ka mida ahdumarkan suuqa shaqada
Soo galey wuxuuna ka talinayaa in dumarka lagu celiyo xaafadahoodii
Oo suuqa shaqada laga saaro sababtuna waa yaraanshaha dhasha
Ee ku timid taran toodii hadaba iyagoo dhimashadooda o goo ka war
Haya inay halaagsamayaan maxna sababaya inay inaga inoo keenaan
Dhawaaqyo dunida duminaya jiritaanka umadnimana meesha ka saaraya
- Hadaba dad ahaan iyo umad ahaanba aynu uistaagno sidaynu iskaga
Difaaci lahayn weeraradaaas maskaxda ah ee sheegaya nala dhinta
- Waa inaynu raacno wuxuu alle ina faray hadii ay jiraan rag dumarka
Xaqooda aan gudina waa inay ilaahay ka cabsadaan (SWT)
- Waxaynu leenay islaamku xaq dumar,xaq caruureed iyo xaq ragba
Waxka qaalisan ayuu raadiyaa oo ah xaqa ilaahay (SWT)
WABILAAHI TAWFIIQ
Eimal:bintumawliid@gamil.com