Madaxweyne Hore Somaliland Daahir Rayaale Oo Cabiray Farqiga Heerka Qabyaaladdu Kala Mareyso Ee Xiligii Uu Taladda Dalka Hayey Iyo Haantan Oo Madaxweyne Siilaayo Joogo
Hargaysa 23. February 2016 (SDN/QJ):-Madaxweynihii hore ee Xukuumaddii UDUB ee Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin, ayaa ka hadlay Heeka qabyaaladdu taagneyd xiligii taladda dalka hayey iyo maanta oo uu xukunka hayo Madaxweynaha haatan ee Md Axmed Maxamed (Siillaanyo), waxaanu tilmaamay in wakhtigiisii Qabyaaladu aheyn mid sare loo qaado sida maanta Somaliland ay ka taagan tahay Qabyaaladdu.
Md Daahir Rayaale Kaahin, ayaa Wareysi kooban oo Su’aalo lagaga waydiiyey Buug dhawaan la soo bandhigay oo uu Taariikhda Siyaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan ka qoray qoray Wiil dhalinyar reer Somaliland ah oo lagu magacaabo Dr Cabdiqani Xaamud Cawaale, waxa Madaxweyne Rayaale oo isbarbar dhig ku sameeyey heer qabyaaladdeed iyo farqiga u dhexeeya wakhtigii uu isagu Somaliland Madaxweynaha ka ahaa iyo haatan oo Xukuumadda Kulmiye ee uu Madaxweynaha ka yahay Md Axmed Maxamed (Siillaanyo) ay taladda Somaliland hayso, waxaanu fariin lexejeclo waddaninimo iyo waayeel nimo ka muuqato uu u diray Shacab weynaha Somaliland oo uu kula taliyey inay inay isku duubnaanta iyo midnimada qaranimadda Somaliland ilaashadaan si looga badbaado furfurnaashiyaha Qaybaaladdu leedahay.
Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland laguna maamuuso in uu yahay masuul ku suntan hirgelinta Dumquraadiyadda iyo adkeynta Nabadgelyada Qaranka Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin oo arintaasi ka hadlaayey waxa uu yidhi “Xiligii Xukuumadaydu taladda (Somaliland) haysay, Qabyaaladda iyo Isqabiileysigu way yaraayeen oo ma aheyn kuwo sare loo qaado sida maanta oo kale, fariinta aan u diraayo bulshaddaydii reer Somaliland inay ilaaliyaan isku xidhnaanta iyo awooda midnimadda ee Hubka xaqiiqada ay kula dagaalami doonaan u ah kala qaybinta Qabaa’ilka”
Md Daahir Rayaale Kaahin waxa uu dhinaca kale Afartan qodob ku sifeeyey in Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Somaliland Md Xirsi Xaaji Cali Xasan ay yihiin Astaamo lagu qeexi karo in uu leeyahay waxaana afartaasi qodob u dhigan yihiin ee uu Xirsi ku sifeeyey Daahir Rayaale sidan.
- “Abuurista aragti midaysan iyo Hadafka dheer ee uu qof waliba leeyahay oo Somalilanda-nimada”
- “Qiimayanta iyo qaddarinta dadka ka soo kala jeeda deegaamada iyo duruufahoodaha kala geddisan”
- “Yaraynta qabyaaladda iyo dhamaan hadallada wax duminta ah ee bulshada qaybaheeda kala duwan”
- “In loo sameeyo fursado nololeed oo loo siman yahay dadka ka soo kala jeeda Taariikha kala duwan iyo meela”