“Xildhibaan (Sacad Muuse) ah-baa UCID uga soo baxay LUGHAYA, Maanta waxaan doonayaa inuu noqdo Maayarka Lughaya, Waayo? Xeerkii Ingiriisku wuxuu odhanayaa…” Mujaahid Cali Guray
Hargaysa 22. February 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiye ku-xigeenka 3-aad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali-gurey), ayaa ka hadlay Muranka ka taagan Degmada Lughaha iyo deegaanno Waqooyiga Hargeysa ah oo Dadka ku nool aanay ka qayb-gelin doorashooyinka Sababo la xidhiidha Gobollada Awdal, Saaxil iyo Marood-jeex ka lagu tirinayo ama la raacinayo awgeed.
Mujaahid Cali Gurey, ayaa codeyn la’aanta Dadka halkaas ku dhaqan iyo Xuquuqda ka maqan ku eedeeyay Wasiirradii Arrimaha gudaha ee soo maray Xukuumadihii kala dambeeyay ee Somaliland, gaar ahaan Wasiirradii ka soo jeeday Beesha deegaannada la isku haysto ee Waqooyiga ah Caasimadda Hargeysa, kuwaasi oo uu ku eedeeyay inay Deldeleen Xuquuqdii Muwaadiniinta halkaas ku dhaqan.
Cali Gurey oo Shalay Saxaafadda kula hadlayey Hargeysa, ayaa sheegay in Dadka ku dhaqan deegaannada Cabdi Geeddi ka mid yahay oo uu la kulmay garanayaan in Cidda xuquuqdaa ka lumisay yihiin Siyaasiyiintooda ee aanay Cid kale ahayn, hasa-yeeshee, Gobollada iyo degmooyinka ee Lixdankii uu deegaannadaas Waqooyiga Hargeysa oo tiradoodu tahay Lix ay ka kala tirsan yihiin Gobollada Saaxil iyo Awdal.
“Xeerka Ingiriiska (ee Lixdankii) wuxuu odhanayaa Lughaya wixii Galbeedka ka xigaa waa Degmada Boorama, Ceel Sheekh wixii berri ka xigaana waa Saaxil, halkay kaga taallaa waa Hargeysa, Xeerka Ingiriiska kuma taallo ee halkay kaga taallo Aniga ii keenna, Awdal iyo Saaxil baa Xeerka ku taalla.” Ayuu yidhi, Cali Gurey, waxaanu intaa ku daray, inuu doonayo in Maayarka Lughaya uu noqdo Qof ka soo jeeda Beesha Waqooyiga Hargeysa, “Degmada Lughaya way saaran tahay (Deegaannada Lixda ah ee aan laga codeynin Doorashada). Xuduuddii Lixdankii halkay mareyso way wada garanayaan Raggani, laakiin Nin Siyaasiya oo hadli kara oo ku dhici kara oo aan Aniga ahayni ma jiro, haddii aan qaldanay ha ii yimaaddaan oo ha i saxaan, haddii kale waxaan leeyahay Maayarka Lughaya inuu noqdo Xaafaddan (Sacad Muuse weeye), Hal Xildhibaan baa uga soo baxay Lughaya (Sacad Muuse) kaana Aniga ayaa soo saaray oo UCID buu ka soo baxay, Maanta waxaan doonayaa inuu noqdo Maayarka Lughaya.”
Guddoomiye ku-xigeenka 3-aad ee UCID, waxa kale oo uu sheegay waxa uu kala soo kulmay Safar uu ku soo maray deegaannada muranku ka taagan yahay ee Waqooyiga Hargeysa, “Maalin dhawayd waxaan ka hadlay Lix Goobood (Tuulo) oo 13 Sanadood Deldellaa, Dadkii joogay waan soo arkay oo Odayaal ilaa 85 jirro ah baan la kulmay, way igu soo kordhiyeen Macluumaad aanan Anigu haynin, waxay ogyihiin in Cidda deldeshay aanay Dawladda ahayn ee Reerkani (Sacad Muuse) is-deldelay, oo Siyaasiyiinta Sacad Muuse yihiin kuwa Dadkaa deldelay ee halkaa dhigay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, isagoo sharraxaya dareenka Dadkaa halkaa ku dhaqan iyo siday isku arkaan haddii aanay doorashada ka qayb-geli karin, “Annaga oo Deegaankaa ku sugan ayaa Inan Reerka u soo dhaamisay oo Dhaan wada, ayaa Maqashay Nin nala socday oo leh waxaanu nahay UCID oo waxaanu u soconaa Diwaangelinta, markaasay tidhi, ‘oo annagu Oromaanu nahay oo ma codeynee, maxaad naga diwaangashanaysaan?’. Inantaa yar ee Cuqdadda qaaday ee Shisheeyaha isku sheegtay Siyaasiga Sacad Muuse ma u tagi karaa oo ma jawaabi karaa?.”
Cali Gurey oo sii hadlaya, ayaa sheegay, “..7-da Nin ee Wasiirka Arrimaha ka soo noqday Somaliland waxaan leeyahay Dawladi ma dilin (Deegaanka la isku haysto) ee Idinkaa dilay, Aniguna illaa aan Deldelaaddaa ka furo joogi maayo, ee Ninka igala doodayaa ha yimaaddo. Weliba Reerku ma wada qabo (Eeddaa), laakiin, waa ka Anigu aan ahay ee Nuux Ismaaciil ka la yidhaahdo, waar deegaanka Cabdi Geeddi laguma yeesho Marfash (aad fadhido).”