|

Musharaxa UCID Jamaal Cali Xuseen Oo Ka Hadlay Qorshahiisa Ku Aadan Aqoonsi Somaliland Ka Hesho Beesha Caalamka.

Hargaysa 22. February 2016 (SDN/QJ):- Barnaamijka Qanci Dadkaaga ee HCTV ee Su,aalaha tooska ah lagu waydiiyay Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Aqoonyaha Jamaal Cali Xuseen oo la waydiiyay su, aal ahayd sida loo heli karo aqoonsi ama dariiqa loo mari karo aqoonsi buuxa oo ay Somaliland ka hesho beesha caalamka iyo waxa uga qorshaysan Xisbi ahaan hadii ay mustaqbalka ku guulaystaan talada Dalka.

Jamaal-CALI-XuseenWaxaanu hadalkiisii ku bilaabay sidan:- “Somaliland u malayn mayo in aqoonsi la raadiyay 24 sanadood laabta uun baynu ka jeclaanay, wixii inoogu muhiimsanaa dalkeena hadaad eegto budget ka ma jiro wax dhaqaale ah oo loo qoondeeyay in lagu raadiyo aqoonsi waa nasiib daro weeyaan, anagu waxaanu samaynaynaa inaanu budget u qoondayno, hadaad eegto budget Madaxtooyada Somaliland waa 8 Milyan Dollar, waqtigii daahir rayaale waxay ahayd 3 Milyan, Tusaale ahaan Hadii aanu budgetkaa madaxtooyada 2 milyan aanu kasoo jarno meelo kalana 2 milyan oo kale, afartaa milyan oo dollar oo Somaliland aqoonsi loogu raadiyo sanad walba ayaanu samayn karaynaa very simple in calculation”

Isagoo hadalkiisii wata waxa uu ka hadlay Sidee loo raadinayaa aqoonsi? “waxa loo raadinayaa in la sameeyo guddi aqoonsi raadis ah oo ka kooban aqoonyahan ka iyo haldoorka Somaliland ee aduunka wax ka dhaadhicin kara tusaale ahaan Prof. Axmed Ismaaciil Samatar iyo Adna Adan Ismail, waa dadka gudidaas ka mid noqon kara iyo dadka kale ee wanaagsan ee Somaliland daacada u ah aduunkana fahmi kara, gudidaas waxaanu u samaynaynaa strategy, anaga Ucid ahaan qorshahayagu wuxuu noqonayaa ictiraafka waxaanu ka raadinaynaa Africa, waxaanu xooga saaraynaa 4-5 wadan oo Africa ku yaala oo aanu ku qancinaynaa inay iyagu noqdaan cida ugu horaysa ee ina citiraafta”. Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen.

‪Hadaba Magacaabista madaxwayne ha ee guddidan cusub ee ictiraafka ayaa noqonaysa “Ciyi Waa Ka Baryay” oo ay adag tahay sida looga shaqaysiiyo. Maadaama oo Mudadii shanta sano ee la doortay Madaxweyne Siilaanyo aanay jirin waxa Talaabo ah oo u qaaday sidii Somaliland aqoonsi buuxa uga heli Lahayd beesha caalamka.

Comments are closed