Guddoomiye Cirro oo Maanta Furay Maktabadda Akhriska Kutubta iyo Buuggaagta ee Boorama Public Library SAWIRO
Boorama 20 February, 2016 (SDN/QJ): – Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta furay Maktabadda Kutubta iyo Buggaagta ee magaalada Boorama oo ay yagleeleen dhallinyaro, aqoonyahan iyo qurba-joog ka soo jeeda gobalka Awdal.
Waxaana munaasibad kooban oo furitaankii Maktabadda looggu sameeyey xarunta Maktabaddaasi ee Boorama, ka soo qeyb-galay guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), guddoomiye ku xigeenka Axmed Muumin Seed, xubno ka mid ah hoggaanka iyo guddida fulinta WADDANI, dhallinyarada iyo aqoonyahanka yagleelay xaruntan iyo mas’uuliyiin kale.
Guddoomiyaha Akaademiyadda horumarinta cilmiga iy caqliga ahna agaasimaha Maktabadda akhriska kutubta iyo buuggaagta ee Boorama Public Library Aqoonyahan Ayaanle Cabdiraxmaan Ibraamhim Iidle oo ugu horeyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay farxad weyn u tahay in guddoomiye Cirro uu u furo Maktabadda akhriska ee Boorama, waxaana uu ka xogwaramay qaabka ay ugu suurto-gashay hirgelintan Maktabaddani, isaga oo carabka ku dhuftay in ay aas aaseen dhallinyaro iyo aqoonyahan ka soo jeeda gobalka Awdal oo aan wax dhaqaale ah ka helin xukuumadda iyo hay’addo kale toonna.
Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay farxad weyn u tahay in uu maanta furo Maktabadda akhriska buuggaagta ee Boorama, isaga oo carabka ku dhuftay in dhallinyarta uga mahad-celinaayo fikirka tolmoon ee ay ku aas aaseen Maktabaddan oo uu sheegay in ay wax badan ka tarayso akhriska iyo kobcinta garaadka bulshada, waxaana uu hoosta ka xariiqay in ay ka xisbi ahaan hore Maktabaddan ugu deeqeen buuggaag sida oo kalena ay maanta diyaar u yihiin in wixii karaankooda ah ay kala qeyb-qaadan doonaan dhallinyarta is-xil-qaantay, isaga oo u rajeeyey in mustaqbalka ay noqon doonto Maktabadda ugu horreysa guud ahaan geeska Afrika.