Qiimihii Doolarkii Oo Dib U Laba Kacleeyay Markii Maceeshadii Jabi Wayday Iyo Guddidii Madaxweynuhu U Saaray Oo Dadweynuhu Baafinayaan
Hargaysa 21. February 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha ururka sarifleyaasha magaaladda Hargaysa C/laahi Cali Barre, ayaa sheegay in hoos u dhaca sarifka lacagaha ay caqabado ka haystaan maceeshadda daruuriga ah oo aan illaa hadda waxba iska bedalin. Waxaanu ku dooday in hoos u dhaca sarifka doolarku aanu ka maarmaynin in badeecadaha daruuriga ahina la jabaan.
Waxaanu tilmaamay gudoomiyuhu in kadib markii uu madaxweyne Axmed Siilaanyo ku dhawaaqay in la jabiyo qiimaha sarifka dolarka in uu hoos u dhacay qiimaha sarifka dolarku, hase yeeshee uu haddana mar kale kor u kacay maalmihii la soo dhaafay.
“Madaxweynuhu waa kii go’aamiyay ee yidhi lix boqol ha lagu iibiyo boqolka doolar, dabadeed-na boqolka dollar ayuun baa hoos u dhacay ee badeecadihii kale wax hoos u dhacay ma jiraan. Innagu dal ahaan lacagta doolarka ma lihin, ee waxaynu leenahay shillinka Somaliland, markaa waxa uu madaxweynuhu u danaynayaa in shillinka Somaliland uu qiimo yeesho,”ayuu yidhi C/laahi Cali Barre Guddoomiyaha ururka sarifleyaasha magaaladda Hargaysa oo shalay u waramayay Horn Cable TV.
Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Maalimihii uu madaxweynuhu ka hadlay in hoos loo dhigo sarifka doolarka illaa 8000 shillin ayuu ahaa, daadeedna wuu ka soo noqday oo wuxuu gaadhay illaa 6500 shillin. Haddana imika kor ayuu u kocay, taana waxaa keenaya badeecadihii oo raaci waayay iyo doolarka oo kollayba innaga innagu yar. Saaka (shalay), doolarka qiimihiisu wuxuu marayaa gacanta hore 7100 Sl Sh, halka gacanta dambena lagu kala sarifanayo 7200 oo shilin.”
Dhinaca kale, ganacsatadda suuqyadda magaaladda Hargaysa ayaa iyaguna cabasho ka muujiyay qiimaha sarifka doolarka haddana mar kale qaaliyoobay iyo sidoo kale qiimihii maciishadda oo weli halkiisii taagan. Iyadoo aanay illaa hadda wax tallaabo ah qiime bararka maceeshadda wax lagaga qabanayo aanay qaadin Guddidii uu Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) madaxda u ahaa ee madaxweynuhu hore ugu saaray mawduucan oo dadweynuhu baafinayaan halka ay mareen iyo waxa ay ku maqan yihiin.