Suxufi Caan ah oo Hargaysa Ku Xannuunsanaya iyo Xukuumadda oo Balanqaaday inay Gargaar u fidinayso DAAWO
Hargaysa 21. February 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Mudane Maxamud Xaashi Cabdi oo ay Weheliyaan Mas’uuliyiin kale ayaa Gurigiisa ku Booqday Weriye Cabdiqaadir Maxamed Ciid Baay oo ka mid ah Suxufiyiinta Somaliland oo xaalad Caafimaad la soo deristay.
Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Maxamud Cabdi Jaamac Xuuto oo hadal kooban halkaasi ka jeediyey ayaa Xukuumadda ka dalbaday Sidii ay wax ula qaban lahayd Weriye Cabdiqaadir Maxamed Ciid iyo Suxufiyiinta kale ee Xaalada Caafimaad daro la soo Gudboonaato.
Wasiirka Madaxtooyadda oo ka hadlayay Booqashada ay uga Tageen Suxufi Cabdiqaadir Maxamed Ciid ayaa ugu horayn ilaahay uga baryay inuu ka dul qaado xannuunka haya,Waxaa kale oo uu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xukuumadiisu aanay Waxba kala hagran doonin intii awoodooda ah Sidii wax loola qaban lahaa xaalada caafimaad ee Weriyahan.