|

“Xisbiga Kulmiye Wuxuu Dadka Ku Soo Saaraya Raashin Baa La Idiin Qaybinayayee Soo Baxa….” Siyaasi C.rashiid Xasan Mataan DAAWO

Boorama 21. February 2016 (SDN/QJ):- Siyaasi Cabdirashiid Xasan Mataan oo ka mida waftigii uu hogaaminayay Gudoomiye cirro, ayaa ka hadlay in xisbiga kulmiye uu ku dhaqaaqay talaabo ceeb ku ah, oo u badheedheen xisbiga kulmiye in calaamad meel ku taala ku dul masaxo calaamadooda iyadoo dhulku badan yahay. Isla markaana wuxuu sheegay in kulmiye dadka ku soo saarayo raashin baanu idiin qaybinaynaaye kaalay.
Cabdirashiid wuxuu sidaa ka sheegay munaasibad xisbiga Waddani u qabtay haween xisbiga ku soo biiray oo ka dhacay Boorame.
Cabdirashiid isagoo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi“Waxa muhiim ah in la ilaaliyo anshaxa xisbinimadda, calaamad meel ku taalla in laga hinaaso oo laga daba tago oo calaamad kale lagu dul masaxo waa ceeb oo waa ceeb ay kulmiye u badheedheen. Dhulku wuu badan yahay calaamaddahanna meelo badan baa la dhigan karraa, xisbiga kulmiye inuu arrinka ka waantoobo weeye.”Ayuu yidhi Cabdirashiid waxaanu hadalkiisii sii raaciyay “xisbiga kulmiye wuxuu dadka ku soo saaraya raashin baa la idiin qaybinayayee soo baxa. Waar dadku haddii ay si kale u soo bixi waayeen waar been ha u sheeginna, abaar baa haysa, baahi baa haysaa, dhib baa haysa. Dhib inta haysa haddii aydaan waxba ka tari karin, dhibaato kale hawgu darinna…” Ayuu yidhi Cabdirashiid

Comments are closed