Ciidammada Dowlad-goboleedka Galmudug oo Soo Furtay Nin Ajaanib ah oo 15 Bilood Afduub lagu haystay
Caddaado, 19 February, 2016 (SDN/QJ):- Ciidammada Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug, ayaa Xoog ku soo furtay Nin u dhashay waddanka Kenya oo ay Afduub ama Qafaalasho ku haysteen 15 Bilood muddo ku siman Koox hubaysan oo ku dhuumaalaysanayey deegaannada Galmudug iyo gobollada dhexe ee Soomaaliya wakhtiga ay Ninkan Afduubka ku haysteen.
War-Saxaafadeed Qoraal ah oo ka soo baxay Maamulka Galmudug, isla markaana uu ku saxeexnaa Wasiirka Warfaafinta Galmudug Maxamuud Aadan
Cismaan (Masaga-waa), ayaa sidaas lagu sheegay, waxaana lagu faahfaahiyey qaabka ninkaas ay Ciidanka Nabad-sugidda Galmudug u soo furteen isagoo nabad-qaba, kaasoo lagu magacaabo James Gajumbo.
“Galmudug oo in muddo ah wadday dadaallo lagu sugayo Ammaanka iyo Nabad-galyada deegaanadeeda ayaa ku guuleystay inay soo furtaan James Gajumbo oo u dhashay Dalka Kenya oo la Afduubay – November ee Sannadkii 2014-kii.
Maamulka Galmudug ee Somalia waxaa ka go’an sidii deegaanada Galmudug loo nabadeyn lahaa, loona xasillin lahaa. madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa Amray Ciidanka inay Gacan adag ku qabtaan Ammaanka deegaanada Galmudug oo muhiim u ah horumarka Maamuka.
Ciidanka Galmudug oo fulinaya Amarrada Madaxweynaha Galmudug ayaa ku guuleystay inay soo furteen James Gajumbo oo si xoog ah loogu haystay afduub.” Sidaa ayuu Wasiirka Warfaafinta Galmudug ku yidhi War-Saxaafadeedka Qoraalka ah ee uu Ninkaas la soo furtay kaga hadlay oo Nuqul ka mid ah uu helay Qurbejoog.com.
Wasiirka Warfaafinta Galmudug Maxamuud Aadan Cismaan (Masaga-waa), waxa uu intaas ku daray oo uu ugu baaqay Shacabka reer Galmudug inay la shaqeeyaan Ciidammada dawlad-goboleedka Galmudug, gaar ahaan dhinaca xogaha iyo adkaynta nabadgelyada ay ka taageeraan, kalana shaqeeyaan.