Ciidanka Bilayska Aw Barkhadle Oo Gacanta Ku Dhigtay Gaadiid Cusub Oo Sifo Sharciga Baal Marsan Ay Hay’adda Hello Trust Ugu Gudbinaysay Dalka Soomaaliya
Hargaysa, 19 February, 2016 (SDN/QJ):- Xukuumadda Somaliland ayaa ka hor istaagtay Hay’adda Miino Saarta ah ee Xafiiska Hargeysa ku leh ee Hello Trust inay sidii laba dal oo isku furan ugu gudbiyaan Shan gaadhi oo Xafiiskooda Hargeysa ku sugan oo cusub kuwaasi oo Dawladu u samaysay Cashuur dhaaf islamarkaana dhawaan u soo degay,waxaana Fashilmay isku day ay Masuuliyiinta Hay’addaasi Doraad isku dayeen inay gaadiidkaasi si qarsoodi ah uga saaraan Somaliland una gudbiyaan Soomaaliya iyo Puntland.
Gaadiidkan ayaa waxa Doraad laga soo celiyay Kaantaroolka Tuuladda Awbarkhadle ee Bariga Magaaladda Hargeysa kadib markii halkaasi ku hor istaageen Ciidanka bilayska ka Hawlgala Tuuladdaasi kuwaasi oo sida la sheegay la soo hadlay Wasaaradda Arimaha gudaha oo markaasi uun ku war heshay gaadiidkaasi dalka laga saarayay. Sida ay u xaqiijiyeen Wargeyska Foore dad xog ogaal u ah gaadiidkaasi,waxa Gaadiidkaasi dib loogu soo celiyay Xafiiska ay Hay’adda Hello Trust ku leedahay Hargeysa Galbeedkeeda,waxaana la sheegay in bixitaankoodaasi ahaa mid aan sharciga waafaqsanayn oo aanay Xukuumadda Somaliland ka warqabin islamarkaana ay Masuuliyiinta Hay’addu ku doonayeen inay Sifo khaldan ku galiyaan Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland si ay halkaana Muqdisho uga sii dhaafiyaan.
Gaadiidkan oo ka kooban Shan gaadhi oo nooca loo yaqaan Hardtop-ka ah ayaa waxa ku dhegsan oo lagu soo qabtay Lambarada Hay’adda Hello Trust,waxaanay kala siteen lambarada kala ah oo ah lambarka cas,waxa ay dhamaantood gaadiidkaasi hadda ku xeraysan yihiin oo ay ku jiraan Xarunta Hay’adda ku leedahay Huteelka Maansoor dhinaciisa galbeedka. Sida warar kale aanu ku helnay,Masuuliyiinta Hello Trust ee Somaliland ayaa Hore Xukuumadda Somaliland uga dalbaday in Gaadiidkaasi loo ogolaado inay Soomaaliya geeyaan balse Somaliland way ka diiday waxaana Shuruud looga dhigay haddiiba ay ka saarayaan Dalka inay Bixiyaan Cashuurta gaadiidkaasi oo markii hore Cashuur dhaaf Somaliland ku soo galay.
Lama garanayo talaabada ay Somaliland ka qaadanayso Hay’adda Hello Trust ee hanaanka Qarsoodiga ah ku doonayay inay Gaadiidkaasi ku galiyaan Soomaaliya oo ah dal jaar la ah Somaliland waliba sifada Sharci daro ah. Waxaanu isku daynay inaanu Wax ka waydiino Masuuliyiinta Hay’adda Hello Trust Xafiiskooda Hargeysa balse waa ay noo suurta gali wayday,Telefankooda gacanta oo dansanaa Awgeed.