|

Xisbiga Waddani Oo Hantay Taageeradda Shacbiga Awdal  Iyo Loolan Miyir Qab Ku Dhisan Oo Saddex Murrashax Ku Hirdamayaan Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga

Hargeysa 19 February, 2016 (SDN/QJ):-Taageereyaasha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ku leeyahay Gobolka Awdal ayaa gaadhay heerkii ugu sareeyay,waxaanu xisbigaasi bilihii u dambeeyay kasbaday inta badan quluubta dadweynaha gobolkaasi oo xilligan u jeelan inay tallada Somaliland u caleemo saaraan  xisbiga mucaaridka  ah ee WADDANI.

cirro-iyo-murrashaxiintaIfafaalaha siyaasadeed ee gobolka Awdal waxa uu  dhinaca xisbiga WADDANI u soo jan-jeedhsaday tan iyo markii madaxweyne Siilaanyo uu si rasmi ah uga tanaasulay inuu mar labaad u tartamo doorashadda madaxtooyadda iyo wakiiladda ee lagu wado inay wadanka qabsoonto  Bisha March 2017.

Dadka faaqida siyaasadda gobolka ayaa sheegay in taageerada xisbiga WADDANI ka haysto gobolka Awdal ay isa soo taraysay beryihii la soo dhaafay, waxase ay sheegeen in loo baahan yahay in si miyir qabta loo kala reebo murrashaxiinta madaxweyne ku-xigeenka WADDANI  oo ay u tartamayaan Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee xisbigaas Axmed Muumin Seed, Dr.Maxamed Cali oo dublamaasi hore ahaan jiray iyo murrashaxii iska casilay Madaxweyne ku-xigeenka UCID Cabdirashiid Xasan Mataan oo  dhawaan ku biiray WADDANI isla markaana la sheegay inuu ka mid yahay murrashaxiinta u cararaysa jagada madaxweyne Ku-xigeenka xisbigan.

 

Murrashaxiintan oo mid waliba dhinaciisa iskugu arko inuu yahay ka xisbiga gaadh siin kara guusha tallada dalka ee ay ku taamayaan, ayaa haddana waxay si degan uga mideysan yihiin inay si dhow uga wada shaqeeyaan xisbinimadooda.

Warka la xidhiidha loolanka hoose ee WADDANI, waxa uu sheegayaa in odaytinimadda iyo deganaanshaha Guddoomiye Cabdiraxmaan  Cirro uu sabab u yahay inuu  tartanka murrashaxiinta madaxweyne ku-xigeenka WADDANI noqdo mid xamaasadiisu yar tahay oo ay suurto-gal tahay in la abuurro jawi ay iskugu tanaasuli karaan ama ugu yaraan inay geli karaan tartan xalaal ah oo taariikh togan u dhiga xisbiyadda kale ee la tartamaya.

Comments are closed