|

Ciidanka Booliska Somaliland Oo Taariikhda Markii Ugu Horaysay Sunta dadka Kaga ilmaysiisa kaga hortagtay Mudaharaad Maanta Ka dhacay Hargeysa

 

mud

Hargeysa  — Ciidamada amaanka Somaliland ayaa dadwayne yar oo kooban kana soo horjeeday dawlada hoose ee caasimada Hargaysa oo meheradaha ku soo xad-gudbay wadooyinka duminaysay kala hortag dhagaxaan,waxaana ay ciidanka amaanka markiiba goobta soo gadheen,iyaga oo dajiyay bulshadii goobta ku sugnayd.

Booliska ayaa markiiba ku guulaystay in ay dadkaasi ku qanciyaan in ay isda-jiyaan,halkay qaybtii diidayn u adeegsatay suntan dadka kaga ilmaysiisa,iyaga oo ka duulaya si aanay goobta dhimasho u imanin,waxaana madasha maanta ka caaganayd xabadii ciidanka booliska lagu bartay in ay bulshada ku kala dareeriyaan.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal iimaan oo Khadka Taleefanka kula soo xidhiidhay Shabakada hadhwanaagNews ayaa cadeeyay in maanta laga bilaabo bulshada ku dhaqan Somaliland loo adeegsandoonin xabad nool looguna badali doono suntan dadka mudaharaadka damacsan lagu kala eryo,waxaana ciidanka booliska ku macneeyay mid bulshadood u danaynaya.

“Ciidanka Booliska Somaliland waa kuwa Maalin kasta koraya,caqli ahaan aqoon ahaan iyo darajo ahaan,waxaanu ku dhiiri galinaa markasta iyaga oo taxadar muujinaya in ay bulshadooda u adeegaan,waxaana ku dhiiri galinaa in ay saaxiibka ugu dhaw bulshada ka dhigtaan,marna suurto gal manoqoto in ay xabad nool bulshada u adeegsadaan,waxaana hada iyo jeer ku dhiiradaan in ay muujiyaa feejignaan dheeri ah’’ yuu yidhi Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal iimaan

Taliyaha ayaa geesta kale sheegay in bulshadii ku dhimanaysay mudaharaadka hada laga gudbay,xabadii loo adeegsan jirayna hada laga gudbay,waxaana uu badka soo dhigay in bulshada hada laga bilaabo loo adeegsan doono suntan indhaha kaga ilmaysiisa,lagana guuri doono Xabadii noolayda.

“Maanta waxaanu gaadhnay heer Ah inaanu bulshada iyo ciyaalka la khalday ee mudaharadka loosoo abaabulay aanay naftooda waayin,ciidan tababar  oo qalabkii mudaharaadka xidhan ay ka hortgaan,waxaanan markasta ku jirnaa sidii aanu ciidanka u dhisin lahayn,maanta ciidankaas ka hortagay rabashadaasi,waxa ay ahayeen kuwa tababaran oo fulinaya waajibaadka qaran ahaan iyo ciidan ahaanba saaran.’’ Ayuu markale yidhi Taliye Fadal

Xigasho;Hadhwanaag

Comments are closed