Madaxweynaha South Sudan Oo Ku Xigeenkiisi Magacaabay
Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir ayaa madaxweyne ku xigeen u magacaabay ninka uu loolanka siyaasadeed kala dhaxeeyay ee Riek Machar
Talaabaddan ayaa muujineysa horumar laga gaadhay dadaalka loogu jiro nabad waarta oo dalkaasi ka dhalata.
Riek Machar ayaa xilka haatan loo magacaabay horey u hayay ka hor inta labadan nin aanayn is mucaaradin.
Tan iyo dhammaadkii sanadkii 2013-kii ayaa xoogag daacad u ah labadani hoggaamiye waxa dhex marayay dagaal sokeeye oo aad u qaraadh .
Dagaalkaasi oo barakiciyay hal milyan iyo shan boqol oo kun oo qof iyo waliba burburka hanti badan
Machar ayaa soo dhaweeyay xilkaasi mar kale loo magacaabay kaddib heshiiskii awood qaybsiga ee la saxeexay bishii August ee sanadkii la soo dhaafay
South Sudan ayaa ka go’day dalka Sudan oo laftirkiisa ay mudo dheer wadadagaalamayeen
Arimaha sida weyn la isugu hayay ayaa ahaa mid ka bilowday labada qabiil ee waawayn oo kala qaybsamay