Somalida Ku dhaqan Magaaladda London oo Dibad bax ka dhan ah Ciidamadda Kenya ee Ku Sugan Gudaha Somalia ka hor dhigay Safaaradda Kenya ee London DAAWO
London 12. February,2016(SDN/QJ):– Jaaliyadda Soomaaliyeed ee London ayaa Mudaaharaad ka hor-dhigay Safaaradda ay Kenya ku leedahay magaalada London, iyagoo dalbanaya in ciidamada Kenya ay ka baxaan Soomaaliya.
Dibadbaxayaasha oo tiradoodu ay kor u dhaafaysay 250-qof oo Haween iyo ilmo u badnaa ayaa ku eedeeyay Ciidamada Kenya ee Somalia ku sugan ay dhibaato ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed, ayna duqeymo iyo barakacinta dadweynaha ka wadaan deegaanno ka tirsan Gobolka Gedo.
Boorarka ay wataan Mudaaharaadayaasha Soomaaliyeed ayaa waxaa ku Qoraa erayo ay ka mid ahaayeen; “Kenya Ciidamadeeda ha kala baxdo Somalia. Waayo ciidanka Kenya uma joogaan Smalia Nabad ee waxay u joogtaa Dagaal” iyo erayo kale.