“Ma jiro wax heshiis ah oo aan gaadhnay Beesha Caalamka” Madaxweynaha Puntland C.weli Gaas DHAGAYSO
Garowe 12. February,2016(SDN/QJ):– Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay in uusan jirin wax heshiis oo ay la gaareen xubnaha beesha caalamka ee cadaadiska ku saarayay Puntland in ay ogolaato go’aamadii ka soo baxay shirkii Madasha wadatashiga hanaanka doorashooyinka 2016-ka.
Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in wafdiga oo uu hogaaminayay Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating in ay kulamo la yeeshaan madaxda Puntland, siyaasiyiin hore iyo ururada bulshada rayidka kuwaasoo u gudbiyay mowqifkooda ku aadan shirkii Madasha Wadatashiga ee dhowaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.
Wuxuu sheegay in uusan jirin wax heshiis ah oo dhexmaray Beesha Caalamka iyo madaxda Puntland laakiin la isku afgartay in dib la isugu soo laabto.
Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Keating ayaa isna sheegay in kulamadii uu la qaatay Puntland in ay ahaayeen kuwo lahaa muhiimad gaar ah iyadoo ay kulamadaas ka qeyb galeen danjirayaasha dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Talyaaniga, Sweden, Uganda, Itoobiya, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo urur goboleedka IGAD.
Michael Keating ayaa sheegay in uusan jirin wax heshiis ah oo la gaaray isagoo intaas raaciyay in waxyaabaha ay kala kulmeen madaxda Puntland iyo qeybaha bulshada in ay kula laaban doonaan magaalada Muqdisho.