“Gobolnimada Gabileyna Haddii Ay Golaha Soo Hordhigaan Qofka 1aad Ee Ansixinaya Ayaan Ahay,Aniga Oo La Kaashanaya Mudanayaasha Golaha Wakiilada” Gudoomiye Cirro
Gabiley 11. February,2016(SDN/QJ):–Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” iyo wefti uu hoggaaminayo oo saaaka aroortii hore gaadhay magaalada Gabiley,ayaa sheegay inuu noqonay qofka 1aad ee ansixinaya Gobolnimada Gabiley,haddii ay Xukuumadda KULMIYE soo hordhigto golaha wakiilada Somaliland, isagoo sheegay inuu la kaashan doono mudanayaasha golaha Wakiilada Somaliland,waxaanu sheegay in aanay Xukuumadda KULMIYE marnaba soo hordhigin golaha wakiilada mashruuca ansixinta gobolnimada Gabiley iyo gobolada kale ee cusub,waxaa uu haddalkaasi ka sheegay Guddoomiye C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro mar uu saaka fagaare ku yaala badhtamaha magaalada Gabiley kala haddleyey dad weynah ku dhaqan Gabiley.
Guddoomiye Cirro iyo wafti uu hoggaaminayo oo saaka socdaakii sama-wade lugtisii labaad ay uga bilaamatey magaalada Gabiley, ayaa shacabka ku dhaqan magaalada Gabiley kala haddlay meel fagaare ah, waxaanu sheegay in Gobalnimad Gabiley aan la soo hordhigin golaha wakiilada,balse haddii la soo hordhigo oo ay xukuumadda KULMIYE keento inuu noqdoono qofka 1aad ee ansixiya“mashruucyada xeerarka ee golaha wakiilada la horkeeno xukuumadda ayaa soo curisa,gobalnimada gabileyna haddii ay golaha soo hordhigaan qofka 1aad ee ansixinaya ayaan ahay,aniga oo la kaashanaya mudanayaasha golaha wakiilada”ayuu yidhi guddoomiye c/raxmaan cirro
Dhanka kalena, Guddoomiye Cirro iyo weftiga uu hoggaaminayo ayaa dad weynaha ay abaaru sameeyeen ee ku dhaqan deegaanada hoos yimaada gobolka Gabiley ugu deeqay booyado biyo ah, waxaanay balan ku qadeen inay door weyn ka qaadan doonaan gurmad u fidinta dadka iyo duunyada ku dhaqan deegaanadaasi ee ay abaaru sameeyeen.
Ugu dambayntii guddoomiye Cirro iyo weftigii uu hoggaaminayey ayaa ka ambobaxay magaalada Gabiley,waxaanay gaadheen magaalada Boorama,iyagoo ilaa hadda ku sugan halkaasi