|

Xeer-ilaaliyaha Guud Ee Somalia Oo Eedo U Jeediyay Kenya,Cadeeyayna inaan Wada hadal lagu dhamayn doonin Muranka Bada ee labada dal u dhexeeeya

Muqdisho 11. February,2016(SDN/QJ):– Xeer-ilaaliyaha ee Somalia Dr. Axmed Cali Dahir, ayaa ku eedeeyay dowladda Kenya inay qorshanaysay inay is-hortaagto dacwaddii muranka Badda ee ay u gudbiyeen Maxkamadda cadaaladda adduunka ee fadhigeedu yahay dalka Netherlands.

Axmed-Cali-Daahir-111Axmed Daahir ayaa sheegay in Kenya ay gudbisay cabasho ah in Muranka kala dhaxeeya Somalia ee dhanka badda lagu dhameeyo wadahadal, isagoo xusay in Dacwadda haatan ay hor-taallo Maxkamadda, isla markaana aanu jirayn wax wadahadal ah.

 

“Ummadda Soomaaliyeed waxay gudbiyeen dacwad khuseysa Muranka Badda ee Kenya iyo Somalia u dhexeysa…. Qaanuun ahaanna waxay ahayd in Dowladda kenya ay kasoo jawaabto, balse waxay keentay is hor-istaagaan anagana is-hor-taaggaas ayaan jawaab ka bixinnay dacwaddana waan gudbinnay.” ayuu yidhi Dr. Axmed Cali Daahir oo intaas ku daray.

 

Sidoo kale, Xeer-ilaaliyaha guud ee Somalia Dr. Axmed Cali Dahir ayaa sheegay inay ka go’an tahay in iyaga iyo dalka Kenya ay ku kala baxaan Maxkamadda Cadaaladda ee Heague.

Comments are closed