|

Sheekh Aadan Sunne Oo Dowladda Somaliland Ku Bogaadiyay Tallaabo Muhiim Ah Oo Ay Qaaday [DHAGEYSO]

sunne

Hargeysa,10jan,2016(QJ/SDN)-Sheekh Aadan  Cabdiraxmaan Warsame (Aadan Sunne) oo ka mid ah culimada dalka ayaa xukuumadda Somaliland ku bogaadiyay suulinta saliib dhawaan laga taagay magaalada Hargeysa, isagoona sheegay in aanay culimadu u taagnayn oo qudha dhaliil balse ay sixidtaan iyo toosinba ay mar walba diyaar u yihiin.

Sheekhu waxa uu sheegay in culimada ay yihiin daljirka dahsoon ama waddaniga dhabta ah kaas oo mar walba dowladda ku garab taagan inay ummadda ku hoggaamiso diinta islaamka.

Dhanka kale, sheekhu waxa uu ummadda uga digay saliibka isagoona usoo jeediyay inay suuliyaan saliibka meel kasta oo ay ku arkaan.

Haddaba, halkan hoose ka dhagayso khudbad uu Sheekh Aadan Sunne arrimahaasi kaga hadlay

Halkan Guji Oo Mobilekaaga ku Dhagayso Khudbadda Sheekha

Comments are closed