Waddamadaa Itoobiya Iyo Jarmalka oo Wada Gaadhay Heshiis Iskaashi oo dhinaca Waxbarashadda ah
Addis Ababa February 9, 2016 (SDN/QJ):- Dawladaha jarmalka iyo Itoobiya ayaa ku dhawaaqay iskaashi buuxa oo ay ka yeelanayaan dhanka waxbarashada iyo tacliinta sare.
Safiirka Magaalada addis-ababa u fadhiya Dalka Jarmalka Mr Joachim Schmidt Oo maanta ka hadlay kulan ka dhacay Magaalada Addis-ababa ayaa sheegay in dawlada Jarmalku sii wadayso iskaashiga ay Itoobiya kala samaynayso dhinacyada dhisidda awooda iyo soo saarista dad xirfadlayaal ah, dalkiisa Jarmalkuna diyaar u yahay inuu sii wado dadaalo taageero oo qiimo leh oo la siinayo hay’adaha tacliinta sare ee Wadanka itoobiya.
Wakaalada wararka Itoobiya ee ENA oo Shabakada Qurbejoog ay Warkan ka soo Xigatay ayaa baahisay Xalay in jaamacadaha badan ee laga furayo dalka Itoobiya ay u baahan yihiin in la dhinac wado dhismaha tayadooda, iskaashiga labada wadana ay qayb ka yihiin arimahaasi, iyagoo jarmalku ka taageeraya sidii jaamacadaha loogu heli lahaa xirfadlayaal aqoontoodu sarayso, taasoo dhabbaha u xaadhaysa tayaynta tacliinta sare ee Itoobiya.
Iskaashiga dhanka tacliinta sare ee labada wadan ayaa ku soo beegmaya iyadoo maalintii Axadii dalka Itoobiya laga furay kuliyadii u weynayd ee barashada aqoonta duulimaadada taasoo dhismaheeda uu ka baxay dhaqaale gaadhaya 120 Milion oo doolarka Maraykanka ah