|

“Ammaanka Madaarka Muqdisho Waa Mid Zero Ah Oo Aan Laysku Halayn Karin” Duuliyihii Diyaaradii Hawada Lagu Qarxiyay Ee Sherkada Daallo

Muqdisho 9. February,2016(SDN/QJ):– Duuliyihii dayaaradda Daallo ee dhowaan hawada iyada oo mareysa qaraxu uu ka dhex dhacay, ayaa ku tilmaamay amniga garoonka dayaaradaha ee Muqdisho in uu yahay Eber ama Zero

 

 

Serbia Somalia Emergency LandingShaqaalihii iyo rakaabkiiba waa ay ka badbaadeen qaraxa, marka laga reebo hal qof oo ka soo dhacay dayaaradda, Asaga oo magaalada Belgrade ugu warramaya AP wuxuu yidhi: Markii aan garoonka Muqdisho soo cagadhigannay, waxaa soo yaacay 20 ilaa 30 ruux oo soo ag dhoobtay dayaaradda.

 

Dadkaas oo aan xidhneyn calaamad lagu aqoonsado waxay galayeen dayaaradda oo haddana ay ka soo baxayeen. Qofna ma oga waxa uu qofka kale yahay. Wixii ay doonaan ayay dayaaradda dhex dhigi kareen markii ay rakaabku ka degeen.

Sawirkani Waa Halka Qaraxu Diyaaradda ka Dalooliyey ee Ninku ka dhacay

Sawirkani Waa Halka Qaraxu Diyaaradda ka Dalooliyey ee Ninku ka dhacay

 

Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa London ayaa shalay wareysigan qoray. Tilmaamo kale oo dhowr ah oo ku saabsan amniga gegida ayuu bixiyay, kuwaas oo arga-gax gelin kara qofkii aan hore uga warqabin. Waxaan rajeynayaa in aan is difaac la gelin, ee wax laga qabto amni darrada iyo nidaam xumada ka jirta garoonka.Serbia Somalia Emergency Landing

Comments are closed